4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 29, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo soo gabagabeeyay booqashadii uu ku joogay Garoowe


Talaado, Janaayo, 29, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, halkaas oo uu ku sugnaa saddexdii maalin ee u dambeysay.

Madaxweyne Farmaajo , waxaa ku sagootiyay garoonka diyaaradaha madaxweynaha Puntland, Siciid Deni , ku-xigeenkiisa ,guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland.

"Waxaa sharaf weyn noo ah in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aan sagootino isaga iyo weftigiisaba". ayuu yiri madaxweynaha Puntland, Siciid Deni.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa inta uu joogay magaalada Garoowe waxaa uu ka qaybgalay xafladda caleema-saarka madaxweynaha Puntland, isagoo sidoo kale la kulmay hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada.

"Waxaan ku faraxsanahay muddadii yarayd ee uu joogey Madaxweynaha Soomaaliya inuu fursad u helay kulanka madaxda dowladda xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo madaxdii hore ee dalka ...Waxaan aad ugu mahadcelinayaa muddadii uu joogey sida wanaagsan ee uu arrimaha qaranka u agaasimey waxaan rajaynaynaa haddii Alle idmo maalmo dambe iyo safaro dambe inaan isu soo noqon doono si halkaa looga sii amba qaado nidaamka dowladdnimo iyo kan Fadaraalka". ayuu raaciyay madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka iyo xukuumadda  Puntland uga mahadceliyey soo dhoweynta habmaamus kale ee ay marwalba ku sharfaan iyo sagootinta gabagabada safarkiisa.

"Waxaan uga faa’iidaysanay caleema saarkii inaan hawlo qaranku leeyahay aaan ku qabano oo aan balan-rasmiya ku galo Madaxda dowlad Goboleedyada Garoowe haddi Alle idmo inagoo nabadda ayaynu kulmi doonaa". ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]