4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 29, 2019
Madaxweynaha Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay qunsulka cusub ee Itoobiya
Talaado, Janaayo, 29, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarunta madaxtooyadda Puntland ee magaalada Garoowe ku qaabiley qunsulka cusub ee Itoobiya u fadhin doona Garoowe, Jen. Mabratu Waldo Aragay.

Jen. Mabratu ayaa qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garoowe ka beddelaya qunsulkii hore Asmalaash oo muddo 13 sanno hayey xafiiska.

Madaxweynaha cusub ee Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni oo toddobaadkii hore lagu caleema-saaray magaalada Garoowe ayaa sheegay in Itoobiya iyo Puntland ay yihiin deris, ayna wadaagaan soohdimo muhiima, isla mar’ahaantaana waxa uu  Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inay ka go’antahay dar-dargelinta wadashaqaynta ka dhaxaysa Itoobiya iyo Puntland,sida lagu sheegay war qoraal ah oo warbaahinta uu soo gaarsiiyay xafiiska madaxweynaha Puntland.

Gabagabadii, qulsulka cusub ee Itoobiya, ayaa ka mahad naqay sida maamuuska leh ee madxweynaha Puntland ugu qaabiley xafiiskiisa, waxaana uu qunsulku sheegay in uu dar-dargalinaayo wada shaqaynta Puntland iyo Itoobiya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]