4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 29, 2019
Wasiir Cawad : Yoweri Museveni waxaan dhihi karnaa waa qof iska hadlay

 

Talaado, Janaayo, 29, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaarradda arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa si kulul uga jawaabay hasdalkii ka soo yeeray madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni

Museveni ayaa ku tilmaamay Soomaaliya dal aysan dowlad maamushaa ka jirin, mar uu hadal u jeedinayay Golaha Garsoorka dalkiisa, isaga oo soo hadal qaday in ay dunida ka jiraan dalal badan oo aan laheyn dowlad dhulka maamusha.

"Waxaa jira dalal badan oo aan lahayn dowlad. Way jiraan, balse ma  haystaan hay'ad nidaamsan oo maamusha, Soomaaliya waa mid ka mid ah.  Waxaa jira dalal kale balse ma sheegayo sababo diblomaasi awgeed".ayuu  yiri Madaxweynaha Uganda.

Wasiir Caawad ayaa yiri'' Wuu iska hadlay. kaliya waxaan dhihi karaa waa qof iska hadlay. Waala ogyahay Somaliya waxey leedahay dowlad jirta oo xoogan"

"Anaga  ka dowlad ahaan si hoose ayaan jawaabteena u gaarsiineeynaa isaga  (Musaveni) lakin waxaan rabaa inaan cadeeyo inuu iska hadlay"

Dadka qaar ayaa u arkaya hadalka madaxweynaha Uganda sheegay in uu hadal jees jees ah oo uu ugu gafay Soomaaliya, inkastoo aan la ogeyn xaqiiqda iyo sababta keentay in madaxweynuhu kalmadaa isticmaalo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay dalka uga eriday ergeygii gaarka ahaa ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya oo ay ku eedeesay in uu ku xadgudbay madaxbanaanida dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]