4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 29, 2019
Faah faahin ku saabsan Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Talaado, Janaayo, 29, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax xoogan oo maanta ka dhacay meel aan ka fogeyn taallada Daljirka Dahsoon degmada Boodheere ee magaalada Muqdisho

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga qarxay uu yeelay kaalin shidaal  oo ku dhaw xarunta Wasaarada Batroolka iyo Macdanta, waxaana gaariga uu qarxay xili uu goobtaasi yaalay.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay goob kaalin shidaal ah, waxa uuna xusay in goobta qaraxu ka dhacay u muuqan mid bartilmaameed ah balse gaariga oo halkaasi yaalay uu qarxay.

 

Wararka ayaa intaa ku darraya in qaraxani uu sababay dhimashada labo qof oo shacab ah sidoo kale ay ku dhaawacmeen shan qof oo kale oo loo qaaday xarumaha caafimaadka.

Qaraxan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa dhacaya xili isbuucyadii lasoo dhaafay magaalada ay ka nasatay qaraxyada xoogan, waxaana laamaha amaanka wadaan baaritaano ku aadan qaraxan iyo cidii soo abaabushay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]