4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 29, 2019
Qarax xoogan oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Talaado, Janaayo, 29, 2019 (HOL)-Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa goor dhaw ka dhacay tallaada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho .

Qaraxan goordhaw dhacay ayaa si weyn looga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay laga arkayaa uuro iyo qiiq madow oo ka baxaya.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan xoogan ee goordhaw dhacay , waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo badan iyo gawaarida gurmadka deg dega.

La soco wixii warar ah ee ka soo kordha.. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]