4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 29, 2019
Madaxweynaha Jabuuti : Ciidamada dowladda Soomaaliya wey karaan difaaca dalkooda

 

Talaado, Janaayo, 29, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya ciidamada dowladda Soomaaliya awood u leeyihiin difaaca dalkooda

isaga oo ka hadlayay howlgalka AMISOM iyo  suurtagalnimada in ay ka bixin karaan xiligan dalka Soomaaliya ayuu sheegay in dadaal dheeraad ah la galiyay sidii loo dhisi lahaa ciidamada dowladda, haddii ay ahaan lahaayeen Militari iyo Booliis intaba, isaga oo sheegay in la dardar galiyo ka bixxintaan ciidamada AMISOM.

''AMISOM iyo dowladdaha kale ee saaxiibada la ah Soomaaliya waxaa ay dadaal u galleen sidii loo dhisi lahaa ciidamada Soomaaliya, hadda waxaa muuqata in ay karaan oo ay awood u leeyihiin difaaca dalkooda, waayo waxa la dagaalamaya dowladdo ma'aha oo diyaarado iyo gantaalo sita'' ayuu yiri madaxweyne Geelle.

Waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay iskutashi ballaaran oo ku aadan ciidanada dowladda Soomalida ay hantaan Ammaanka dalkooda.

Jabuuti ayaa qeyb ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM iyadoo ciidamada ugu badan ay ka joogaan gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]