4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 29, 2019
Madaxweynaha Uganda oo Soomaaliya ku tilmaamay dal aan laheyn dowlad maamusha

 

Talaado, Janaayo, 29, 2019 (HOL)- Saacadihii ugu danbeeyay waxaa siweyn u qabsaday baraha ay bulshadu ku wada xiriirto hadal uu madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ka jeediyay shirweyne ay lahaayeen hay’addaha Garsoorka dalkiisa, isaga oo sheegay in Soomaaliya ka mid tahay dalal badan oo caalamka ka tirsan oo aan laheyn dowlad maamusha.

Madaxweynaha ayaa u sheegay golaha Garsoorka dalkiisa in ay jiraan dalal badan oo aan laheyn dowlad maamusho, isaga oo sheegay in tusaale ugu dhaw loo soo qaadan karo sida uu hadalka u dhigay Soomaliya, sidoo kalana jiraan dalal kale oo la mid ah Soomaaliya laakiin arrimo diblomaasiyada la xiriirta uu u qarinayo in uu carabka ku dhufto.

‘’Dowlad waxaa loola jeedaa hay’ad maamusha dhulka, sidaa daraadeed waxa jira dalal badan oo aan laheyn hay’addo maamula, waxaana tusaale idinku soo qaadan karaa Soomaaliya ayuu yiri madaxweynaha dalka Uganda.

Dadka baraha bulshada isku dhaafanayay hadalka madaxweynaha Uganda ayaa ku tilmaamay gaf iyo ceeb meel ka dhac ku ah dowladnimada Soomaaliya, xili dowlad Uganda ay dalka ka joogaan Kumannaan ciidamo ah oo ilaaliya xarumaha dowladda gaar ahaan madaxtooyada oo xarun u ah mas’uuliyiinta ugu sareya dalka.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo la xiriira hadalka uu jeediyay madaxweynaha dalka Uganda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]