4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 29, 2019
Dowladda Kenya oo xir xirtay dhalinyaro loo qorayay in ay ka mid noqdaan Al-shabaab

 

Talaado, Janaayo, 29, 2019 (HOL)- Saraakiisha dowladda Kenya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay xarigga dhalinyaro sida ay sheegeen loo qorayay ka mid noqoshada Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in dhalinyaradda la qabtay ay isugu jiraan rag iyo dumar, islamarkaana ay ku howlanaayeen abaabul ay doonaayeen in ay ku biiraan dagaalyahanada Al-shabaab.

Saraakiishu waxaa ay sheegeen in dhalinyarradan laga soo qabtay deegaanno badan gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dhalinyarradan ayaa la qabtay iyaga oo ku biiraya Ururka Al-shabaab ayeey sheegeen saraakiishu in ay ahaayeen kuwo wax bartay, islamarkaana ay soo foodsaartay shaqo la’aan baahsan.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in ay ku raajooggaan xubno la aaminsan yahay in ay qaabilsan yihiin qorista dhalinyaradda ku biireysa Al-shabaab.

Kenya ayaa la daalaa-dhaceysa dagaal ay kula jirto Ururka Al-shabaab oo marar badan oo xig xigtay weerarro ka geystay qeybo badan oo ka mid ah dalka, gaar ahaan magaalada Nairobi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]