4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 28, 2019
Somaliland oo laga musaafurinayo dhamaan dhakhaatiirta Ajanabiga ah

 

Isniin, Janaayo, 28, 2019 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay dalka ka saarayso dhakhaatiirta Ajananiga ah ee ka hawlgalla Somaliland.

113 dhakhtar oo ajanabi ah ayuu diwaangaliyey xafiiska mihnadleyaasha caafimaadka Somaliland inay ka hawlgalaan guud ahaan Somaliland.

“Waxaanu diiwaangalinay dhakhtaradda ajanabiga ah ee ka hawlgalla dalka waxaanay yihiin 113 dhakhtar, kuwaas oo aan sharci ka haysan xafiiska mihnadleyaasha caafimaadka ee Somaliland,  sidaas darteed cabashadii dadweynuhu ka cabanayeena way badatay oo illaa madaxweynihii bay gaadhay, ninka janabiga ah nin kuu tudhaya maaha.”ayuu yidhi gudoomiyaha mihnadleyaasha caafimaadka Axmed Xaashi Oday.

Mar uu ka hadlayey khatarta ay dadka ku hayaan waxa uu sheegay in mararka qaarkood qaliin aan loo baahnayn ku sameeyaan dadka si ay lacag u helaan.,

“Waxa ka sii daran dhakhaatiirta ajanabiga ahi heshiish buu la gallay mulkiilaha cisbitaalka, waxaanay ku heshiiyeen in qofkasta oo uu qallayo uu lacag dheer mushaharkiisa la siiyo, sidaas darteed si uu lacag u helo ayuu dad aan qaliin u baahnayn qalin ku sameeyeen si uu mushaharkiisa uu u dhigmo”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Sidoo kale, waxa uu Dr: Oday sheegay in aanay imika ka ogolayn inay sharciga ay ku joogaan dalka ka qaataan ururka Mihnadleyaasha caafimaadka oo ay hore u gees mareen, haseyeeshee marka uu qofku noqdo qofka keensanayaa uu soo gudbiyo dhakhtarka uu keeno macluumaadkiisa si jaamacadda uu ka baxay loo ogaado iyo waxa uu ku takhasusay.

“Marka la saarayo dhakhaatiirtu waxa qaylin doonna dadkii cisbitaaladda lahaa ee ay ka xidhmayeen, marka kama yeelayno inaan imika dalka gudihiisa sharci uu ku joogo ku siino laakin marka uu dalkiisa ku noqdo qofka doonaya inuu keensado waa inuu soo gudbiyo shahaadadiisa aqoontiisa iyo meelihii uu wax ka bartay si loola xidhiidho jaamacadihii uu ka soo baxay inuu qofkaasi aqoon u leeyaha iyo in kale, waayo dhakhtarka wanaagsan gurigiisa ma dhaafo waayo dadkiisa u baahan.”ayuu yidhi

Somaliland waxa aad loogu tartamaa ka ganacsiga cusbitaalo maadaama oo macaash badan laga helo, waxaanay sababtay in ajaanib badan la keeno maadaama oo ay dadku jecel yihiin ajanabi, haseyeeshee saarista dalka laga saarayo waxay abuuri doonta muran iyo qaylo ka dhasha oo ay isku khilaafi doonaan dadkii keensaday dhakhaatiirtan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.