3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 14, 2019
Maxkamadda ciidamadda oo xukuntay Labo askari oo ka tirsan ciidamada dowlada

 

Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)-Sedax Alifle Booliis. Cali Mahdi Maxamed iyo Tahliil Cali Maxamed ayaa loo xiray  dilka Marxuum  Ex Kormeera Sedaxaad Booliis.  Xasan Aadan Ibraahim, dilkaasi oo ka dhacay gudaha Saldhigga degmada Hilwaa ee gobalka Banaadir sanadkii tagay.

Sedax Alifle Boliis. Cali Mahdi Maxamed  ayaa loo heystaa in qoreygiisa  uu kaga tagay meel cidla ah halka Tahliil oo loo diyaarinayay ciidanimo uu riday xabado sababay dhimashada Marxuum Ex Kormeera Sedaxaad Boliis.  Xasan Aadan Ibraahim.

Ciidamada amniga degmada ayaa isla xilligaasi ku wareejiyay labada eedeysane Hey’adda  baarista Dambiyada CID.

Kadib markii ay ka guteen waajibaadkooda  baarista ayay u soo wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada  Qalabka Side, waxa ayna xafiiska weydiisteen Garsoorka Maxkamadda Ciidamada in loo gudbiyo xabsiga dhexe eedeysanayaasha gar-sugo ahaan 22-ka 10-aad sanadii 2018.

Baaritaan kale oo dheerad ayay sameeyeen xafiiska xeer ilaalinta, waxa ayna weydiisteen garsoorka in la muddeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah labada eedeysane.

Maxkamadda Darajada koowaad ciidamada Qalabka Side ayaa muddeysay dhageysiga dacwadda 15-12 ee   2018, waxaana lagu ballamay laba cisha kadib fadhiga hore ee Maxkamadda.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa maxkamadda horkeenay laba markaati, baaraha dacwadda oo si wada jir ah loo weydiiyay dhammaan su’aalo ku saabsan dilka,  sawirka marxuumka iyo warqadda dhakhtarka ee muujinta dhimashada.

Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha ayaa ku dooday in Tahliil Cali Maxamed uu yahay qaan-gaar miir qaba sidaas darteed loo ciqaabo dambiga  halka Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed uu dayacay qoreygiisa loogu tala galay in uu ku difaaco cadowga.

Sedax Alifle Boliiska Cali Mahdi Maxamed ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in uusan ku tala galin dayac balse qadarta ay ku dhacday in Tahliil Cali Maxamed oo aan aqoon badan u laheyn qoreyga sabab u noqday geerida Marxuum Xasan Aadan Ibraahim.

Qareenada u dooday laba eedeysane ayaa xilligaas ku dooday in wax walba ay ku dhaceen aqoon darro sidaas darteed lagu xukumo diya gaf ah.

Maxkamadda Darajada koowaad ayaa horay ugu soo  kala xukuntay in Tahliil Cali Maxamed uu bixiyo Diyo boqol halaad ah oo ah magta  Ex Kormeera Sedaxaad Boliis Xasan Aadan Ibraahim iyo laba sano oo xarig ah  halka Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed lagu xukumay  laba sano oo xarig ah.

Xukunsayaasha ayaa ku qanci waayay xukunka waxa ayna rafcaan u qaateen Maxkamadda Sare 31-12-2018.

Markale ayaa dib loo furay galka labada eedeysane iyadoo la marinayo marinka cadaaladda, waxaana markale loo ballamay fadhiga Maxkamadda 8-bishan aynu ku jirno, waxaana shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga Maxkamadeynta Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed iyo Tahliil Cali Maxamed.

Doodda u dhexeeysay dhinacyada dacwadda ayaa si isku mid ah fursada loo siiyay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa si lamid ah soo bandhiga dhammaan qodobada eeddooda, waxaana sidoo kale Qareenada laba eedeysane ku doodeen in loo naxariisto.

Ugu dambeyn Maxkamadda Sare ayaa ku kala xukuntay

  • Tahliil Cali Maxamed diyo 100-halaad ah oo ah magta Marxuum Kormeer Sedaxaad Boliis   Xasan Aadan Ibraahim iyo laba sano oo xabsi ciidan ah.
  • Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed ayaa isna lagu xukumay Sedax sano oo xabsi Ciidan ah.

Maxkamadda Sare ayaa ah halka ugu dambeyso oo uu ula Laabto xukunsanaha hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 
 
 













Click here
1/14/2019 10:53 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)- Qaraxan oo siweyn looga maqlay inta badan xaafaddaha magaalada Muqdisho ayaa warar hor dhac ah oo laga hellayo waxaa ay sheegayaan in lagu weeraray Maqaaxida The Village oo ku taala Isgoyska Banaadir meel aan ka fogeyn Isbitaalkii hore ee Digfeer ee degmada Hodan

1/14/2019 10:13 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xilka maanta la wareegay ayaa joojiyay dhulka dowladda in laga dhiso dhismayaal sharci darro ah, sida ku cad wareegto uu goor dhow baahiyay xafiiska madaxweynaha.

1/14/2019 9:49 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo daabacaada lacagta shillinka Soomaaliga ah, sida ku cad wareegto goor ka soo baxday xafiiska madaxweynaha.

1/14/2019 8:30 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)- Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi , oo ka mid ah Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe oo wax ka beddel lagu sameeyay uu meel mariyay Baarlamaanka.

1/14/2019 7:21 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa manata si rasmi ah xilka ugala wareegay madaxweynihii hore Cabdiweli Gaas,kaddib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada.

1/14/2019 5:44 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)-Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa meel mariyay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe oo wax ka bedel lagu sameeyay, 158 Xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 17 ay diiday.

1/14/2019 5:25 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa degmada Afmadow ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarun lagu tababari doono ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

1/14/2019 5:02 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)-Mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya ayaa ansixiyay wax ka bedelka xeerka hanti dhowrka guud ee Qaranka.

1/14/2019 4:53 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)-Munaasabad soo dhoweyn ah ayaa magaalada Muqdisho loogu qabtay in ka badan 150 arday oo ah dufcadii labaad ee iska diiwaan-gelisay barnaamijka Waxbarashada sare ee ay iska kaashanayaan Jaamacadda caalamiga ah ee University for Peace (UPEACE) oo hoos tagta Q/Midoobay iyo Machadka daraasaadka & Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SDRI).

1/14/2019 3:15 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL) -Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa u gudbiyay Golaha Shacabka xeerka wax ka badalka guddiga Agaasinka Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo lagu waddo in uu maanta ka dooddo Goluhu

1/14/2019 2:41 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)-Wasiirka Maaliaydda Somaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle mar uu warbaahinta la hadlayay ayuu ka waramay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda Maaliyadda intii uu joogay iyo qorshahooda sanadkan 2019 ee bilowga ah.

1/14/2019 1:03 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Bu’aalle ee gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab toogasho ku dileen sarkaal ka tirsanaa Ururka Daacish oo siweyn isaga oo horjeedaa Al-shabaab.

1/14/2019 12:44 AM EST
Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)- Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu waddaa in maanta oo Isniin ah kulan xasaasi ah ku yeeshaan xaruntooda magaalada Muqdisho, iyaga oo ka dooddi doona wax ka badalka xeerka Bangiga.