3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 13, 2019
Guddida fulinta ee Xisbiga UCID oo sheegay inay ku xigeenkii xisbiga xilkii ka qaadeen

 

Axad, Janaayo, 13, 2019 (HOL)-Guddida fulinta ee xisbiga UCID ayaa sheegay inay xilkii iyo xubinimadii xisbiga ka qaadeen  gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Cabdinaasir Maxamed  Buunni ka dib markii guddida anshaxa guddida fulinta usoo gudbiyeen dacwadiisa.

Guddida fulinta ayaa cod gacan taag ah xilkii iyo xubinimadii xisbiga kaga qaaday ku xigeenkii xisbiga Cabdinaasir Buuni, haseyeeshee xisbigga UCID muu cadayn sababaha rasmiga ee masuulkani maamuus ka xayuubinta loogu sameeyey.

Dhinaca kale, gudoomiye kuxigeenka xisbiga UCID Cabdinaasir Buuni oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu is casilay ka dib markii ay isku aragti noqon waayeen gudoomiyaha xisbiga.

“Waxaanu isku haynaa maxa loo leeyahay ajande aan Somaliland ahayn buu WADANI wataa, waa xisbi boqolkiiba afartan helay, KULMIYE xurmuu u hayaa WADANI mar walbana wuxuu yidha aragtidiina waan idinku ixtiraamaynaa, laakiin aniga hadii gudoomiyahaygu uu qaatay inuu shaanbad ku dhufto Xisbiga WADANI anigoo ku xigenkiisa ah damiirkaygu I siin maayo inaan sii joogo, marka waan ka tagay UCID”ayuu yidhi Cabdinaasir Buuni.

Gudoomiye ku xigeenkii xisbiga UCID ayaa sheegay inay khalad tahay in la isku joojin waayo oo xisbigii WADDANI oo wax diidan hawsha la iska sii wato, isla markaana ku dooday in aanu ogolaanayn in khalad jira iska taageero ee uu ka shaqayn doono sidii xisbiyada uu iskugu keeni lahaa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.

 

 













Click here
1/13/2019 10:09 AM EST
Axad, Janaayo, 13, 2019 (HOL)- Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay mawqifka xisbigooda ee arrimaha doorashooyinka iyo sida looga gudbayo caqabadaha hor taaggan in ay qabsoomaan doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Iyo Wakiillada.

1/13/2019 10:01 AM EST
Axad, Janaayo, 13, 2019 (HOL)- Isticmaalka Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2019 ayaa maanta si rasmi ah u furmay ka dib munaasabada ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho,taasi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kala duwan .

1/13/2019 8:03 AM EST
Axad, Janaayo, 13, 2019 (HOL)-Ciidanka Amniga Somaliland ayaa ka jawaabay eedihii uu usoo jeediyey abwaan Cabdiraxmaan Abees oo shalay xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu dhacdo uu ku arkay saldhiga degmada kood buur ee Hargeysa suugaan ka sameeyey.

1/13/2019 7:27 AM EST
Axad, Janaayo, 13, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Baydbabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada maamulka koonfur Galbeed is hortaag ku sameeyeen kulan (Siminaar) halkaa uu ku qaban lahaa Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

1/13/2019 7:03 AM EST
Axad, Janaayo, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray digreeto lagu joojinayo cashuur dhaafkii iyo cashuur dhimistii loo samayn jiray hay'adaha dawladda , kuwa caalamiga ah iyo hay'adaha gaarka loo leeyahay.

1/13/2019 6:45 AM EST
Axad, Janaayo, 13, 2019 (HOL)- Kaddib doorashadii siddeedii Jannaayo 2019ka, waxaa hoos-udhacay sarifka lacagaha ee suuqyadda Puntland. Magaalada xarunta ah ee Garoowe halkii dollar [1$] ayaa waxaa lagu sarifayaa maalintii labaad 30-kun oo Shillin-Soomaali, xilli uu horey u ahaa 36-kun, si la mid ah magaalada ugu weyn ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayuu hoos u dhacay sarifka dollarka.

1/13/2019 6:08 AM EST
Axad, Janaayo, 13, 2019 (HOL)-Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helayo Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgalo qorsheysan ka Fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Shabellada Hoose.

1/13/2019 3:15 AM EST
Axad, Janaayo, 13, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar bambaano oo xalay lagu qaaday Guriga Guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar oo ku yaalla degmada Howlwadaag.

1/13/2019 12:59 AM EST
Axad, Janaayo, 13, 2019 (HOL)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in ujeedka ugu muhiimsan ee tirakoobka shaqaalaha Dawladda Hoose ay tahay sidii la iskugu xiri lahaa nidaamka shaqaale ee Dawladda dhexe iyo kan Maamulka, si meesha looga saaro dadka labada dhinac mushaarka ka qaata.

1/13/2019 12:47 AM EST
Axad, Janaayo, 13, 2019 (HOL)- Booliiska dalka Britain ayaa bilaabay baaritaan la xiriira dil magaalada Bristol Jimcihii loogu geystay wiil Soomaali ah