Hiiraan Online
4/19/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Jan 13, 2019
Hoos u dhac ku yimid sarifka lacagaha ee suuqyadda Puntland
Axad, Janaayo, 13, 2019 (HOL)- Kaddib doorashadii siddeedii Jannaayo 2019ka, waxaa hoos-udhacay sarifka lacagaha ee suuqyadda Puntland. Magaalada xarunta ah ee Garoowe halkii dollar [1$] ayaa waxaa lagu sarifayaa maalintii labaad 30-kun oo Shillin-Soomaali, xilli uu horey u ahaa 36-kun, si la mid ah magaalada ugu weyn ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayuu hoos u dhacay sarifka dollarka.
Labo qodob ayaa loo sababeeyay hoos-udhaca sarifka suuqyadda Puntland,midda koowaad ayaa lagu sheegay lacagihii badnaa ee xilliga doorashada soo galay deegaannada Puntland.
Arrinta labaad ayaa ah wareegtadii madaxweynaha Puntland uu ku hakiyay xisaabadka bangiga dhexe ee Puntland, iyadoo la sheegay inaysan jirin wax lacag ah oo laga saaray xisaabadka dowladda.
Ganacsatada ayaa soo dhaweeyay markiiba hoos-udhaca sarifka dollarka,laakin dhibaatadda ayaa wali ah inaysan waxba iska beddelin qiimaha maceeshadda.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]