4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 12, 2019
Abwaan Cabdiraxamaan Abees oo ciidanka boolisku xabsiga u taxaabeen

 

Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL)-Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo ka mid ah hal abuurka dhallinyarada ah ayaa maanta xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu xalay magaaladda Hargeysa ku soo bandhigay suugaan uu ku dhaliilay dawladda iyo dhibaatooyin uu ku arkay xabsiyadda wadanka ku yaal.

Abwaan Abees ayaa ah nin dhallinyar ah oo qurbo joog ah, isla markaana suugaan badan leh, waxaanu suugaantiisii xalay u badnayd kuwo cusub oo dawladnimad lagu saxayo, isagoo ka sheekeeyey wakhti uu afar saacadood ku xidhnaa saldhig waxyaalihii uu ku soo arkay oo uu sheegay inuu u gudbiyey taliyaha ciidanka, balse ciidanku ka codsadeen in aanu gabay ka samayn, haseyeeshee uu ka diiday oo uu sheegay inuu gabaygu dareen ku yimaado oo uu wakhtigeeda la sugayo.

GABAYGII uu xalay soo bandhigay:

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.