4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 10, 2019
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay hadalo ka soo yeedhay madaxweynaha cusub ee Puntland

 

Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay hadal ka soo yeedhay  madaxweynaha cusub ee Puntland oo sheegay in  Sool iyo sanaag bari ka  mid yihiin Puntland.

Wasiirka Biyaha Saleebaan Cali koore ayaa sheegay inuu filayey inuu ka duwanaado madaxdii hore ee soo martay Puntland, balse waxa uu xusay inuu la aragti yahay.

“Waxa dhowaan laga doortay maamul puntland madaxweyne cusub, waxaanu ka filaynay caqli iyo wax ka duwan wixii hore, balse wuxuu la ragti yahay uun kuwii hore, waxaan leeyahay dadka deegaankaasi nabad iyo horumar bay u baahan yihiin, waxay u baahan yihiin inay la jaan qaadaan dadka darisyada ka xiga, Sool iyo Sanaagna cid ay Somaliland u daba fadhidaa ma jirto, maamulkuna illaa xuduudda wuu gaadhay”ayuu yidhi Saleebaan Cali Koore.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay inay ka waatoobaan khilaafyadii iyo dhibaatooyinkii dhacayey 22 sanno, waxaanu usoo jeediyey inay ku mashquulaan saddexda gobol ee Puntland ka kooban tahay sidii horumar loo gaadhsiin lahaa.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay Dr;Cali Ciise oo musharax ka soo jeeda gobolka Sool guul daradii ka soo gaadhay doorashadii Puntland ka dhacday.

“Dr: Cali Ciise wuxuu ahaa Nin afrika oo dhan xidiga ka aha meesha la dhigayna waa wax aad looga naxo,inaan la wada lahayn maamulka Puntland oo meesha reer leeyahay waxa noogu filan doorashada Cali Ciise”ayuu yidhi

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.