3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 10, 2019
Madaxweynaha cusub ee Puntland oo guddoomiyay shirka golaha wasiirrada

Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)- Madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta guddoomiyaha shirka golaha wasiirrada, iyadoo uu dhinac fadhiyay madaxweynaha xilka ka dagaya ee Cabdiweli Gaas.

Shirka waxaa kalo goobjoog u ahaa madaxweyne ku-xigeenka cusub,Axmed Cilmi Cismaan ( Axmed Karaash ) iyo madaxweyne ku-xigeenka xilka ka dagaya Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar (Camey).

Kulanka wasiirrada uu waqtiga ka dhammaaday iyo madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa faahfaahin ka bixiyay qodobbadii ka soo baxay wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xiriirka golayaasha ,Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Quraan-jacel), waxa uu sheegay in madaxweynaha Puntland, Siciid Deni uu faray si deg deg ah inay shaqadoodda ugu laabtay wasiirrada,guddoomiyaasha gobollada iyo agaasimayaasha , si loo dardar-galiyo howlihii dowladda ay u haysay shacabka.

Madaxweyne Deni , waxaa kalo uu shirka ka sheegay in laga gudbay waqtigii ololaha iyo kala qaybsanaanta, loona gudbay wadajir, wada socod iyo shaqada dowladda. Sidoo kale waxa uu ka digay in laga faa’ideysto waqtiga kala guurka, isagoo hay'adaha ammaanka iyo shacabka ka dalbaday in la ilaaliyo amniga guud iyo dowladnimadda.

Toddobaadka dambe ayaa lagu wadaa inuu madaxweynaha cusub si rasmi ah xilka ugala wareego madaxweynaha xilka ka dagaya Cabdiweli Gaas.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
1/10/2019 1:51 PM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)-Warar goor dhaw na soo gaaray ayaa sheegaya in dab weyn oo inta badan magaalada Muqdisho laga arki karo uu qabsaday qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

1/10/2019 11:49 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)-Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay hadal ka soo yeedhay madaxweynaha cusub ee Puntland oo sheegay in Sool iyo sanaag bari ka mid yihiin Puntland.

1/10/2019 8:34 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa magacaabay guddiga Badbaadinta iyo Soo Celinta Hantida Qaranka

1/10/2019 4:27 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada KGS Mudane. C/qaadir Shariif Sheekhuna, Wasiiro, Xildhibaano iyo sayaasiyiin kale oo goordhow gaaray Magaalada Baraawe ee xarunta dowlad gobolleedka KGS ayaa soo dhoweyn diirran kadib booqasho ku tagay dhismaha Airport-ka cusub ee Baraawe.

1/10/2019 3:09 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in UK ku biireyso dalalka Imaaraadka iyo Rushka, iyada oo dooneysa in ay saldhig militari ku yeelato Somaliland.

1/10/2019 2:28 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay in sanadkan uu yahay sanadkii dadka reer Muqdisho ay heli lahaayene matalaadooda, ayna ula mid lahaayene gobolada kale ee dalka.

1/10/2019 12:53 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)- Madaxweyne Donald Trump ayaa isaga baxay kulan uu la lahaa hoggaamiyeyaasha xisbiga dimuquraadiga ah ayadoo ay burbureen wada xaajoodyadii ku aaddanaa laamaha xukuumadda Maraykanka ee xiran maalintii 19aad.

1/10/2019 12:26 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay duqeyn cusub oo diyaaradaha Mareykanku ka geysteen deegaan ka tirsan gobolka Baay halkaa oo ay ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

1/10/2019 12:16 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay uu halkaa dagaal culus ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahannada ururka Al-shabaab.