4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 10, 2019
Trump oo ka carooday shir uu la lahaa Xisbiga Dimuquraadiga

 

Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)- Madaxweyne Donald Trump ayaa isaga baxay kulan uu la lahaa hoggaamiyeyaasha xisbiga dimuquraadiga ah ayadoo ay burbureen wada xaajoodyadii ku aaddanaa laamaha xukuumadda Maraykanka ee xiran maalintii 19aad.

Madaxweynaha ayaa isaga baxay wadahadalkii kadib markii Nancy Pelosi iyo Chuck Schumer ay ku adkaysteen diidmadooda ku aaddan dhaqaalaha lagu bixinayo qoorsha madaxweynuhu uu ku doonayo in darbiga looga dhiso xuduudda Maraykanku uu la wadaago Mexico.

Mr Trump ayaa kulankaas ku tilmaamay in uu ahaa waqti lumis.

Boqolaal kun oo ah shaqaalaha federaalka oo shaqaynaya mushahaar la’aan ayaa toddobaadkan waayi doona gunnooyinkooda.

Mr Trump ayaa ku hanjabay in uu ku dhawaaqi doono xaalad degdeg ah oo qaran haddii ay sii socoto xiisadda la xiriirta darbiga, asagoo garab mari doono ansaxinta Koongareeska ee dhisidda gidaarka.

Ismari waagaan ayaa dhaliyey in ay xirnaadaan laamo kamid ah xukuumadda tan iyo 22 December.

Asagoo la hadlayey warfidiyeennada kulanka kadib, ayaa Mrs Pelosi waxay sheegtay in dareenka Aqalka Cad uu ahaa mid "qaboow".

Mr Schumer ayaa sheegay in madaxweynuhu uu si lama filaan ah uga baxay shirka kadib markii Mrs Pelosi ay sheegtay in aanay ansixin doonin wax dhaqaale ah oo lagu bixiyo gidaarka.

Waxa uu sheegay: " in madaxweynuhu uu Pelosi, waydiiyey ' ma igu raacsan tahay gidaarkayga? Waxay ku jawaabtay maya.

" Dabadeed wuu kacay, wuxuuna yidhi, ' haddaba majirto wax aynu ka wadahadalno; dabadeedna wuu iska baxay.

Xigasho BBC