4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 6 , 2019
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo dhagax dhigay iskuulka sare degmada Howlwadaag, kuwa kalana xariga ka jaray

Arbaco, Feberaayo, 06, 2019 (HOL)- Wasiirka waxabasrashada Xukuumadda Soomaaliya,Cabdullaahi Goodax Barte ayaa maanta dagmada Hol-wadaag ee gobalka Banaadir ka dhagax dhigay dugsiga sare oo ay wax ku baran doonaan ardayada degan howlwadaag.

Sidoo kale wasiirka Waxbarashada mudane Cabdulahi Goodax Barre  ayaa ka qeyb galay munaasabadda xariga looga jarayay  iskuulladda hoose dhexe  ee howlwadaag iyo Xassan  Qariidi, waxana ku wehlinaya wasiirka qorsheynta iyo xiriirka Calaamiga ah ee Soomaaliya, Amb Jamaal Maxamed Xasan, madaxa midowga yurub pinji Gardiyola ,madax ka socotay hay,adda Adra iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay

Wasiirka qorsheynta xukuumadda Soomaaliya jamaal Maxamed Xasan oo munaasabadda ka hadlay ayaa shegay in XFS,ay mar walba diyaar u tahay horumarinta waxbarashada dalka iyo in dib loo soo celiyo dugsiyadii burburka uu soo gaaray.

Madaxa midowga Yurub  Pinji Gardiyola ayaa sheegay in ay qeyb ay ka qaadan doonaan horumarinta waxbarashada Soomaaliya waxana u mahad celiyaya xukumadda Soomaaliya oo uu shegay in ay ku dadaashay kor u qaadista waxbarshada Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashda Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare ayaa shegay in ahmiyada koobaad la siinayo horumarinta waxbarshada dalka islamarkana loo baahan yahay in lasoo saaro macalimiin tayo leh si ardayda Soomaaliyeed ay heer u gaaraan .

“Sida aad ka war qabtaan maanta waxa aan isugu nimid in aan u dabaal dagno dayactirka labada iskuul sidoo kale muhiimad gaar ah bey noo leedahay dhagax dhiga  dugsi sare oo ay yeelato dagmada Howlwadaag  sida aan ognahay ardayda inta badan waxa ay aadan dagmooyin kale si ay u helaan dugsi sare  maanta waxaad nasiib u yeelateen hadii aad tihiin dagmada holwadaag in aad heshaan dugsi sare”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta in gacanta dowladda dib loogu soo celiyo iskuuladii dowladda islamarkana kor loo qaado aqoonta macalimiinta iyo tayeynta waxbarashada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]