4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 2 , 2019
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Geerida Abwaan Cabdullaahi Xirsi Baarleex

Sabti, Feberaayo, 02, 2019 (HOL)– Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyskii Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdillaahi Xirsi Baarleex oo ku geeriyoodey waddanka Hindiya.

"Alle ha u naxariisto Abwaan Cabdullaahi Xersi Baarleex oo ku geeriyooday Hayderabad, Hindiya. Wuxuu ahaa abwaan gole-ka-fuul ah oo af iyo addinba ku difaacay dalka iyo dadka. Qoyskiisa iyo qarankaba Eebe sabar iyo iimaan haka siiyo, isagana jannadii Firdawsa Alle haka waraabiyo, Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun." ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Abwaanka oo in mudo ah ku xanuunsanaa magaalada Hargeysa ayaa daaweyn caafimaad loo geeyay dalka India oo ay ka shaqeysay safarkiisa dowladda Soomaaliya, waxaana uu ugu danbeyntii u geeriyooday xannuun in muddo ahba uu la il darnaa.

Allaha u naxaristee Abwaan Cabdulaahi Xirsi Baarlerex ayaa caan ku ahaa suugaanta gaar ahaan dhaantada tirinteeda iyo ciyaarteeda, waxa uuna ahaa abwaan si weyn sare ugu qaadayay dhaqanka Umada Soomaaliyeed.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]