3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 12, 2019
Golaha Wasiirrada Puntland oo la dhaariyey

Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)-  Golaha Xukuumadda Puntland ee uu dhowaan soo magacaabay madaxweynaha Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dhaariyey xarunta madaxtooyadda Puntland ee magaalada Garoowe.

Dhaarinta Golaha Xukuumadda cusub ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha  Puntland ,Siciid Deni, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ,Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo  Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland Dr.Yuusuf Xaaji Nuur, Waxaa goob joog u ahaa dhaarta 44 Wasiir, 4 Wasiir oo qaarkood dalka dibaddiisa jiraan kuwona cudurdaar shaqo sheegteen ayaan joogin dhaarta.

Madaxweynaha, Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kulan la qaatay dhaarta kadib Golaha Xukuumadda  Puntland, waxaana ay kula dardaarmeen Wasiirrada cusub inay si hufan, daacad ah, hawl-karnimo ah, sharciya ugu adeegaan diinta, dalka iyo dadkoodaba.

Ugu dambeyn,Madaxweynaha ayaa u sheegay Golahan Wasiirada in ay sugayso shaqo balaaran oo dasduuriya, taas oo ay ugu adeegayaan shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba, isla’ markaana waxa uu Madaxweynuhu ku adkeeyey in ay ka feejignaadaan waxkasta oo ka xagal daacinaya shaqadooda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
2/12/2019 12:37 PM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)-Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalal ugu badan ee haweenka lagu fuliyo gudniinka Fircooniga, taasoo sababta halis soo food saarta haweenka gudniinka lagu sameeyo oo qaarkood u geeriyooday

2/12/2019 8:17 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Bella Bird oo ah Madaxa Bangiga Aduunka ee qaar ka mid ah Wadamada Bariga Afrika sida, Soomaaliya, Tanzania, Burundi iyo Malawi.

2/12/2019 8:07 AM EST
Talaado, Febraayo 12, 2019 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa qaylo dhaan u dirtay hay’adaha gargaarka si biyo loola gaadho toban kun oo qoys oo biyo yaraani soo foodsaartay.

2/12/2019 3:00 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)- Ciidanka amniga Puntland ee (PSF) , ayaa howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen deegaanno dhaca Koofurta magaalada Boosaaso waxaa lagu soo qabtay rag dhallinyaro oo la sheegay inay doonayeen inay ku biiran Daacishta ku sugan buuraha Cal-miskaat.

2/12/2019 2:33 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)-Rag hubaysan ayaa toogasho ku dilay nin ganacsade ah oo aad looga yaqaanay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, sida laga soo xigtay saraakiisha.

2/12/2019 2:29 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Dhiggiisa Dalka Sudan Cumar Xasan Albashiir ayaa la wadaagay muhiimadda ay siinayso Dowladda Soomaaliya adkeynta iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal.

2/12/2019 1:17 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)- Taliska ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa magaaalada Muqdisho ku leh shir soconaya muddo Afar cisho ah oo la sheegay in looga arinsanayo qorshaha ka bixitaanka ciidamada midowga Africa ee Soomaaliya.

2/12/2019 12:29 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)- Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo dhawaan ka mid noqotay Aqalka Congresska ee dalka Maraykanka ayaa raali galin ka bixisay Twitter ay qortay oo tilmaamaya in xildhibaannada Maraykanku ay Israa'iil u taageeraan ururrada u ol'oleeya awgeed.

2/12/2019 12:19 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)- Koox ku hubeysan bastoolado ayaa xalay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne toogasho ku dilay shaqaale ka tirsanaa waaxda maaliyada gobolka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Cismaan Cali Maadeey [ Cismaan Ganeey]