4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2019
Puntland oo Galmudug ku eedeysay inay ka hurinayso colaada bariga gobolka Mudug
 

Isniin, December, 09, 2019 (HOL)-Dowlad goboleedka Puntland ayaa baaq nabadeed kasoo saaray dagaalo ka socda degaano hoos yimaada degmada Towfiiq ee gobolka Mudug oo ay ku dagaalamayaan labo beelood.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo Garowe kula hadlay saxaafada, ayaa sheegay Puntland inay aad uga xun tahay in dad deris isku laayaan aargoosi qabiil.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa maamulka Galmudug ku eedeeyay inay ka dambeeyaan hurinta colaada , isagoo tilmaamay inay gaadiid dagaal usoo direen mid kamid ah beelaha dagaalamaya.

"Degmada Towfiiq ee Puntland waxaa saakay soo weeraray ciidamo ka socda Galmudug, waxaana ugu baaqaynaa in dagaalkaas la joojiyo, mana doonayno in la jebiyo nabad muddo lagasoo shaqeynayay," ayuu yidhi wasiirku.

Dhinaca kale odayaal kasoo jeeda degmada Towfiiq oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in la joojiyo colaada la iskuguna yimaado gogol nabadeed oodib u heshiisiin ah.

Colaada ka taagan bariga gobolka Mudug oo u dhexeysa labo beelood oo halkaas wada dega, ayaa soo bilaabatay sanadkii 2001, illaa iyo haddana laguma guulaysan in loo helo.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]