4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2019
Cabdiraxmaan CabdiShakuur'' Alle ayaan Cafis ka weydiisanayaan ugana Towbad keenayaa qaladkii iga dhacay

 

Isniin, December, 09, 2019 (HOL)-Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa si cad u sheegay in uu ka Towbad keenay Alle -na Caf ka weydiisanayo qaladkii ku jiray khudbadii uu ka jeediyay dalka Jarmalka oo ay siweyn u naqdiyeen inta badan Culimada Soomaaliyeed.

“Wax Alle weydiisanayaa wixii khalad ah ee khudbadaas ku jirtay in uu  iga cafiyo, Alle ayaa uga towbad keenayaa, annigoo aaminsan towbada cida  is ka leh in uu yahay Alle Subxaana Watacaala ,oo aysan qof bani’aadam  ah towbada aysan laheyn, Alle ayaa towbo weydiisanayaa, wixii gef ah ee  khudbadaas ku jirtay” ayuu yiri Cabdiraxmaan CabdiShakuur.

Inta badan Culimada Soomaaliyeed ayaa siweyn uga fal celiyay Khudbadii uu siyaasiga ka jeediyay dalka Jarmalka uu halkaa kula hadlayay Jaaliyada Soomaaliyeed, iyaga oo sheegay in uu u Gafay Diinta Islaamka si cadna u beeniyay Xadiis saxiix ah oo ka sugnaaday Nabbiggena Maxamed NNKH waxaana ay ugu baaqeen siyaasiga in uu arintaan ka Towbad keeno.

Muuqaalkan uu soo duubay Cabdiraxmaan CabdiShakuur ayaa u muuqda mid soo ajaraya dooddii maalmihii ugu danbeeyayba taagneyd, madaama uu qaatay tallaadii ay u soo jeediyeen inta badan Culimada, isaga oo dhinaca kalana sheegay in uu iska cifiyay cid kasta oo isaga si gaar ah ugu wax -yeeleysay sharaftiisa qaladka ka dhacay dardii.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]