4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2019
Bas u socday Godey oo shil ku galay meel u dhaw magaalada Jigjiga


Axad, December, 08, 2019 (HOL)-Bas ay leedahay Shirkadda Falcon couch oo ku socday magaalada Godey ayaa maanta shil ku galay meel aan sidaa uga fogayn magaalada Jigjiga.

Dhaawac dhawr qof ah ayaa lasoo sheegayaa iyadoo Baskuna uu aad uburburay, dhimashana wali lama soo sheegin.

Lama oga waxa sababay shilkan saaka, balse horey ayay basaska noocan oo kale ee ay shirkaddani leedahay shilal kala duwan ugu galeen gudaha degaanka Soomaalida.

Hiiraan Online