4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2019
Fatahaad laga cabsi qabo mar kale in ay ku dhufato magaalada Beledweyne

 

Axad, December, 08, 2019 (HOL)- Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay u muuqdeen dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne kuwo ka soo kabanaya Fatahaaddii dhawaan ku dhufatay  ayaa haddana dhinaca kale waxaa mar kale jirta cabsi laga qabo Fatahaad hor leh oo uu sameeyo Wabiga Shabeelle.

Qoysas dhawaan uun soo guryo noqday ayaa hadda bilaabay mar kale in ay uga barakacaan xaafadda Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle oo wax ka yar 1 mitir u jira heerka cabirka guud  Fatahaadda.

Sidoo kale qeybo ka mid ah gobolka waxaa mar kale dib uga curtay Roobab Lixaad leh oo Dabley wata iyadoo xiligan Roobab xoog leh laga soo sheegayo degmooyinka Buula-burte iyo Halgan oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan.

Dadka ku dhaqan deegaannada Mustaxiil Qalaafe iyo Buur -Ukur oo ka wada tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo xiriiro kala duwan lala sameeyay ayaa sheegaya in ay jiraan biyo xoog leh oo waddo Wabiga taasoo sare u sii qaadeysa baqadinta ay ka qabaan bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne qabaan Fatahaaddo hore leh oo ku dhufta.

Isbadalka cilimada guud ahaan Bariga Africa oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa u muuqda mid saameyn xoog leh ku yeelaneysa dadka ku dhaqan deegaannada ay Wabiyadu maraan oo u nugul mar walba dadaadka ka soo rogmaday oo sababa khasaare dhimasho iyo bur bur hantiyeed intaba. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]