4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2019
Puntland oo si horudhac ah uga hadashay khasaaraha Roobabka dabeylaha wata ee ku da'aya deegaanadeeda
 

Sabti, December, 07, 2019 (HOL)-Dowlad goboleedka Puntland ayaa warbixin horu-dhac ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Roobab dabeylo watay oo ku dhuftay oo inta badan gobolada Puntland.

Agaasimaha hay'adda masiibooyinka Puntland, Cabdulaahi Axmed Ceyrow oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in ugu yaraan 10 qoys uu khasaare kasoo gaaray Roobka, kuwaas oo xoolahooda ay biyuhu la tageen.

Agaasimuhu waxaa kale oo uu sheegay in isgaarsiinta oo meelaha qaarmood ka maqan aan weli lagu guulaysan in xogtooda la helo, taasoo hadda lagu mashquulsan yahay helitaanka xogtooda.

Ceyrow waxaa kale oo uu beeniyay in habo yaraatee aysan jirin wax dhimasho ah oo ka dhashay roobabka, waxa uu sheegay labo doonyood oo kalluun siday oo ku rogmaday badda, kuwaas oo mid kamid ah shaqaalahoodii lagu la'yahay badda iyo mid dhaawacmay.

Ugu dambayn wuxuu sheegay in maamulku muddo 24saac kadib ay  warbixin rasmi ah kasoo saaridoonaan waxyeelada ka dhashay Roobka.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]