3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2019
Madasha Saddexaad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka oo maanta ka furmay Muqdisho


Sabti, December, 07, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa daah furay madasha sedaxaad ee siyaasadda dhaqaalaha qaranka oo maanta iyo berri ka soconeysa magaalada Muqdisho.

Madasha ayaa waxaa soo Agaasimay golaha dhaqaalaha qaranka oo  dawladda kala taliya arrimaha dhaqaalaha dalka iyada oo lagu salaynayo  cilmi baaris dheer iyo cadaymo, sidoo kalana dawladda siiya talo iyo  hagid ku aadan diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo  leh, kana caawinaya isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka.

Tan iyo markii la aasaasay golaha dhaqaalaha qaranka, waxa ay qabteen laba madal oo hore oo looga hadlay horumarinta dhaaqaalaha dalka, waxaana qorshuhu yahay in madashaan sedaxaad si qota dheer looga doodo horumarinta dhaqaalaha bulshada, Federaaleynta dhaqaalaha iyo dadaalka dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka Musuqa.

Golaha dhaqaalaha qaranka oo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu Wareegto ku magacaabay July 12, 2018 ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu daah-furay August 11, 2018, waxaana xilligaa kadib ay si rasmi ah u guda galeen howlaha uga aadan horumarinta dhaqaalaha dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]



 

 













Click here
12/7/2019 6:05 AM EST
Sabti, December, 07, 2019 (HOL)-Dowlad goboleedka Puntland ayaa warbixin horu-dhac ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Roobab dabeylo watay oo ku dhuftay oo inta badan gobolada Puntland.

12/7/2019 5:00 AM EST
Sabti, December, 07, 2019 (HOL)-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa maanta oo sabti ah in markale ka doodaan sharciga doorashooyinka Qaranka.

12/7/2019 3:14 AM EST
Sabti, December, 07,2019 (HOL)-Xasan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed ayaa loo heystaa in ay si bareer ah ugu fureen rasaas laba gabdhood oo wada saarnaa Bajaaj mareysay bar kontorool oo ay ku qornaayeen 07-da bishii sagaalaad ee Sanadkan.

12/7/2019 2:05 AM EST
Sabti, December, 07, 2019 (HOL)-Roobabka dabeylo wata ayaa hadda ka da'aya xeebaha Badda Hindiya gaar ahaan degmooyinka Eyl, Xaafuun iyo meelo kale oo kamid ah Badda Cas. Wuxuuna wataa Roobku qabow daran.

12/7/2019 12:35 AM EST
Sabti, December, 07, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya deegaannada Bari ee Dowlad gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay ay halkaa ka da'ayeen Roobab Mahiigaan ah oo wata duufaanno culus.

12/7/2019 12:04 AM EST
Sabti, December, 07, 2019 (HOL)- Saraakiisha Booliiska dalka Kenya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay weerar xoogag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen maalintii shalay Bas marayay waddada xiriirisa magaalooyinka Mandera iyo Kutulod oo ka tirsan Gobolka Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya.