4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2019
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo mar kale ka dooddaya sharciga Doorashooyinka Qaranka

 

Sabti, December, 07, 2019 (HOL)-Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa lagu wadaa maanta oo sabti ah in mar kale ka doodaan sharciga doorashooyinka Qaranka.

Kulanka Guud ee Golaha Shacabka ayaa ajandahiisu yahay sii waddida doodda akhrinta 2aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ay soo diyaariyeen Guddiga Doorashooyinka ee Golaha Shacabka.

Xildhibaannada ayaa khamiistii dood adag ka yeeshay sharcigan, iyadoo Xildhibaanno badan ay ka dhiibteen aragtidooda la xiriirta sharciga doorashooyinka Qaranka, waxaana maanta markale ay Xildhibaannada ka hadli doonaan sharcigan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]