4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2019
Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday Askar loo heysto dil iyo dhaawac

 

Sabti, December, 07,2019 (HOL)-Xassan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed ayaa loo heystaa in ay si bareer ah ugu fureen rasaas laba gabdhood oo wada saarnaa Bajaaj  mareysay Bar Kontorool oo ay  ku qornaayeen  07-da bishii  sagaalaad ee Sanadkan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo eedeeyay labada eedeysane baaritaan dheer kaddib 16-ka bishii tegtay, waxa ayna Maxkamadda weydiisteen in la muddeeyo dacwad qaadista Xassan Xusseen Maxamed iyo Xasan Muuse Warsame oo loo heysto dilka Istar Axmed Cabdulle iyo dhaawaca dhibane Faadumo Axmed Cabdulle oo ahaa walaalo marayay Agagaarka Isbitaalka Masaarida ee degmada Hodan.

Xeer ilaaliya Ku-xigeenka ciidamada qalabka sida dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa Maxkamadda u sheegay in labada eedeysane ay ku tala galeen dilka wadaha mootada balse xabad uu riday Xassan Xusseen Maxamed xabad  uu riday ay sababtay geerida Istar Axmed Cabdulle, halka Xassan Muuse Warsame uu  dhaawac u geysatay Faadumo Axmed Cabdulle.

Dable Boliis Xassan Xusseen Maxamed ayeey Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Istar Axmed Cabdulle halka dable Booliis Xasan Muuse  Warsame ay maxkamaddu ku xukuntay Shan Sano oo  xabsi ciidan ah iyo  in uu bixiyo magta dhaawicii uu u geystay Faadumo Axmed Cabdulle sida uu  u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare  Xasan Cali Nuur Shuute, xukunka waxaa ka furan Rafcaan ku siman Sodon cisha xukunka kaddib.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]