4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2019
Saraakiisha Booliiska Kenya oo faah faahin ka bixiyay dad lagu laayay gobolka Waqooyi Bari Kenya

 

Sabti, December, 07, 2019 (HOL)- Saraakiisha Booliiska dalka Kenya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay weerar xoogag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen maalintii shalay Bas marayay waddada xiriirisa magaalooyinka Mandera iyo Kutulod oo ka tirsan Gobolka Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya.

Stephen Ng’etich oo taliyaha Booliiska Wajeer ayaa sheegay in dableyda weerarka ku qaaday Baska dileen dad ku dhaw 10 ruux oo ahaa rakaabkii la socday Baska, iyadoo hor inta aan dadka la dilin lagu kala soocay diimaha ay kala aaminsan yihiin.

Taliska Booliiska ayaa sheegay in dableydu toogteen dhamaanba dadkii aan muslimka aheyn ee Baska la socday, waxaana dhacdadan noocan ah oo marar badan oo hore Al-shabaab ay ka sameeyeen gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Dhinaca kale Al-shabaab oo weerarkan war ka soo saaray ayaa sheegay in ay dileen dad ku sii jeeday dhinaca degmada Mandera.

Kenya ayaa la daalaa-dhaceysa weerarro joogta ah oo inta badan uga yimaada xoogagga ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya ee Al-shabaab oo marka laga soo tago ugaarsiga dadka rayidka ah sidoo kale weerarro toos ah ku qaadan saldhigyada ciidamada Booliiska Kenya ee gobolka Waqooyi Bari.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]