4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 6 , 2019
Xisbiyada Mucaaradka ah ee Itoobiya oo heshiis wada shaqayn ah kala saxiixday

Jimco, December, 06, 2019 (HOL)-Xisbiyada Mucaaradka ah ee dalka Itoobiya ayaa maanta kala saxiixday heshiis wada shaqayn ah, xisbiyadaas ayaa waxaa kamid ahaa Ururka ONLF.

Haddaba xisbiyadan oops tiradooda lagu sheegay 10 xisbi ayaa intooda badan horey u ahaa Ururo Mucaarad ah oo hubaysnaa, balse wixii isbaddalkii dalka ka dhacay ka dambeeyay noqday xisbiyo u tartamaya doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.

Lama hubo tallaabada xigta ee ay qaadayaan Xisbiyadan maanta kala saxiixday inay wada shaqaynayaan, iyagoo hadday isbahaysi cusub samaystaan doorashada kula tartami doona xisbiga ay ku midaysan yihiin xisbiyada talada degaannada dalka haya ee EPP.

Hiiraan Online