3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 6 , 2019
Ayax ku habsadey qaybo badan oo gobolka Sool ka tirsan

 

Jimco, December, 06, 2019 (HOL)-Ayax xoogleh ayaa soo gaadhey duleedka magaalada Laascaanood kaas oo cagta marinaya daaqa dhulkaasi ka soo baxay xili roobaadkii dayrta.

"Waa Ayax iyo Koronkoro wada socda, waxaan arkay maraan  tegey dhidinka waqooyi ka xiga Laascaanood" sidaa waxaa HOL u sheegay  Axmed Maxamed Daadey isuduwaha wasaaradda Beeraha gobolka Sool.
 
Daadey waxa uu intaas ku daray in ay wada socdaan Ayax waawey iyo dhashiisa oo hada dilaacday, waxaanu ka digey hadaan degdeg wax looga qaban in aafo weyn reebi doon, waxaanu xusay in ay agabkii lagu dagaalami kari lahaa ay wax ka hayaan balse u baahan yihiin gacan dheeraad ah.
 
Dhinaca kale waxaa laga soo sheegayaa dhul badan oo gobolka Sool ka mid ah siiba degmooyinka Caynabo iyo Xuddun oo dhibaato weyn ku hayo dad iyo duunyaba.
 
"Waxaa uu ku habsadey dhamaan meelihii  daaqa lahaa, xoolihii way ka cararayaan oo inay daaqaan wuu u diidey"  sidaa waxa sheegay Maxamuud Axmed Aadan oo ka mid ah dhaliyarada degmada  Xuddun, waxaanu intaas ku daray inay wadaan dhalinyaro ahaan daddaal ay  doonayaan in ay kaga kiciyaan dhulka.
 
Meelaha qaarkood waxaa la sheegay in loo adeegsadey rasaasta nool taas oo inbadan dhulka lagaga kiciyey siiba degaano ka mid ah Ganbadhe oo bari kaga aadan Laascaanood.
 
Ayaxan ayaa waxaa ay dad waayeel ahi sheegayaan in haatan aan dhibkiisu badnaan doonin balse xili roobaadka soo socda ay dilaaci doonto ugxanta ay reebaan.
 
Xiligan ayaa rajo weyn laga qabaa roobab la saadaalinayo in maanta ka bilaabmaan guud ahaan gobolka Sool.
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool
 
 

 

 













Click here
12/6/2019 3:15 PM EST
Jimco, December, 06, 2019 (HOL)-Xisbiyada Mucaaradka ah ee dalka Itoobiya ayaa maanta kala saxiixday heshiis wada shaqayn ah, xisbiyadaas ayaa waxaa kamid ahaa Ururka ONLF.

12/6/2019 6:56 AM EST
Jimco, December, 06, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arinta buuqa badan dhalisay ee ku saabsan siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo eedeymo uu u soo jeediyay Dowladda

12/6/2019 6:32 AM EST
Jimco, December, 06, 2019 (HOL)-Duqa magaalada Nairobi Mike Mbuvi Sonko ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu dacwad oogaha guud ee Kenya soo saaray warqad lagu soo xiray.

12/6/2019 4:55 AM EST
Jimco,December, 06, 2019 (HOL)-Ugu yaraan 280 Qof ayaa ku geeriyootay, halka in ka badan 2.8 Milyan oo kalena ay wax yeello kasoo gaadhay Roobabkii dhowaan ka da’ay qeybo kamid ah Waddamada Bariga Afrika, sida ay shaacisay QM.

12/6/2019 1:59 AM EST
Jimco, December, 06, 2019 (HOL)-Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ayaa ku amartay hogaamiyayaasha xisbiga dimqoraadiga “inay guda galaan qodobada xil ka-xayuubinta” madaxweyne Trump, ayada oo shaaca ka qaaday “inuu ku xadgudubay awooddii xafiiskiisa.”

12/6/2019 1:55 AM EST
Jimco, December, 06, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha gobolka Bari ee Dowlad gobolleedka Puntland Cabdisamad Yuusuf Maxamed oo la hadlayay bulshada magaalada Boosaaso ayaa ku hanjabay in ay gacan bir ah ku qaban doonaan sida uu hadalka u dhigay dadka meelaha kale laga soo abaabulay ee la doonayo in lagu qalqal galiyo Amniga gobolka iyo gaar ahaan degmada Boosaaso

12/6/2019 12:39 AM EST
Jimco, December, 06, 2019 (HOL)-Waxaa saakay deggan deegaannadii shalay lagu dagaalamay ee gobolka Mudug oo ay ku dhinteen ku dhawaad 15 ruux tiro kale oo intaa ka badanna ku dhaawacmeen.