4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 6 , 2019
Guddoomiyaha Gobolka Bari ''Dadka meelaha laga soo abaabulayo gacan bir ah ayeeynu ku qaban doonnaa

 

Jimco, December, 06, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha gobolka Bari ee Dowlad gobolleedka Puntland Cabdisamad Yuusuf Maxamed oo la hadlayay bulshada magaalada Boosaaso ayaa ku hanjabay in ay gacan bir ah ku qaban doonaan sida uu hadalka u dhigay dadka meelaha kale laga soo abaabulay ee la doonayo in lagu qalqal galiyo Amniga gobolka iyo gaar ahaan degmada Boosaaso.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in looga  baahanyahay bulshada deegaanka iyo maamulka oo gacmaha is qabsadaa ay wax weyn ka tari doonto xaalada magaalada Boosaaso sidaas tarteedna lala  shaqeeyo maamulka.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan dad meelo kale laga soo diray oo dano gaar ah dhibaato ku hayaan bulshada ku dhaqan gobolka iyo gaar ahaan degmada Boosaaso, waxaana uu sheegay in maamulka marnaba u turi doonin dadkaas gacan bir ahna ku qaban doonaaan.

“Waxaa jira dad meelo kale farriimo looga soo dhiibe ,kuwaas oo wada khalqal gelin ,waxaana idin cadeeynayaa in aan marnaba ogolaan  doonin in ay Amniga Boosaaso baabi’iyaan 10 Nin oo meelo kale laga soo diray  tallaabo ayaana ka qaadeynaa ayuu yiri”  guddoomiyaha.

Maamulka gobolleedka Puntland ayaa dhawaan xabsiga u taxaabay odayaal iyo rag siyaasiyiin ah dhaliilay maamulka, kuwaa oo qaarkood ciidamadu ku qabteen bartamaha magaalada Boosaaso. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]