4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2019
Soomaalida Canada oo isugu timid kulan loogu baroordiiqayay Elmaas Elman

Khamiis,December, 05, 2019 (HOL)-Soomaalida-Kanadiyaanka ah iyo jinsiyadaha kale ayaa kulan isugu yimid fiidnimadii Arbacada si ay u maamuusaan u ololeeyihii nabadda iyo diblumaasiyad hore Almaas Elman oo bishii hore lagu dilay Muqdisho.

ElmaasElman waxaa lagu tilmaamay inay kaalin wax ku ool ah ka qaadanaysay bini-aadanimada, nabada, xasillooniada iyo horumarka Soomaaliya.
Qoyska Elman oo u soo duulay magaalada Toronto. ayaa ka qeyb galay baroordiiqda lagu maamusayay gabadhooda.

Masai Uriri oo ah madaxweynaha kooxda kubada kolayga ee Canada ee fadhigeedu yahay Toranto, ayaa sheegay geerida Elmaas in laga dareemay dalka Canada oo Elmaas u ahaa dalkeedii labaad, ayna ku lahayd saaxiibo qaali ah oo ay soo wada shaqeeyeen.

Lisa Shannon oo u doodda xuquuqda aadanaha Mareykanka ahna qoraa aas aastay barnaamijka Sister for Sister Foundation ayaa ku sifeysay qoyska Elmaas Elman kuwo u huray nolashooda nabada iyo awood siinta haweenka' gaar ahaan kuwa la dhibaateeyay.


Walaasheed Ilwaad waxay sheegtey inay ka qeybgalaysay kulanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay markii ay maqashay warka dilka walaasheed.

Waxay muujisay sida ay ugu faraxsantahay ka qeyb galka munaasabada si loogu dabaaldego nolosha walaasheeda.

Abdiweli Mohamed Shikh, Hiiraan Online
[email protected]