4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2019
Sheekh Aadan Sunne oo ka mid ah culimadda Somaliland oo maanta xabsiga laga siidaayey

 

Khamiis,Decmeber, 05, 2019 (HOL)-Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) iyo dhalinyaro la xidhnaa ayaa maanta maxkamadda sare dib ugu celisay xoriyadiisii kadib markii wax dambi ah lagu waayey.

Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) iyo dhallinyaro la xidhnaa oo hore loogu soo eedeeyey inay nabadgalyo daro iyo abaabul kicin ka wadeen Somaliland, waxaanay arimahaasi u xidhnaayeen muddo saddex sanno ah.

maxkamada gobolka Hargeysi waxay sanadkii hore ku xukuntay dhalinyaraddii wadaadka la socotay xadhig gaadhaya hal sanno illaa sagaal sanno inta u dhexeysa, halka Sheekh Aadan Sune maxkamaddu ku xukuntay shan sanno oo xadhig ah.

Sheekh Aadan Sunne iyo dhalinyaro macalimiin ahaa oo la xidhnaa wadadka ayaa maanta maxkamadda sare dib ugu celisay xoriyadiisii.

Sheekh Aadan Sunne ayaa dhawr jeer oo hore la xidhay, haseyeeshee doorkan waxay ahayd tii ugu mudadda dheereed intii uu xidhnaan jirey.

Sheekh Aadan Sunne ayaa marar badan ciidanka boolisku ku eedeeyeen inuu nabadgalyo daro wado,isla markaana dhallinyaro ku tubabarayey duleedka magalada Hargeysa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.