4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2019
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay dagaal maanta ka dhacay gobolka Mudug
 

Khamiis,December, 05, 2019 (HOL)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad ayaa ku baaqay in la joojiyo colaad kasoo cusboonaatay degaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee gobolka Mudug.

Hadalka guddoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka, ayaa kusoo aadaya kadib markii maanta halkaasi ay ku dagaalameen dabley hubaysan oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Dagaal muddo saacado ah socday ayaa lagusoo waramayaa inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo tiradooda ay ka badan tahay 20 qof, waxaana khasaaruhu ku ekaa dhinacyada dagaalamayay.

Warar Hiiraan Online ka heshay dhulka lagu dagaalamay, ayaa xogta ku heshay in dagaakaan uu salka ku hayo colaad horay u dhextaalay labada dhinac, colaadaas ka dhalatay muran xaga degaanka ah.

"Waa arrin aan la aqbali karin”. Guddiga Nabadeynta iyo ciidanka xasilinta ee isku dhafka ah waa inay si degdeg ah u kala dhex galaan dadka walaalaha ah ee colaadu dhex martay," ayuu yidhi Cawad.

Weli maamulada Puntland iyo Galmudug kama aysan hadlin dagaalka maanta degaanadaas ka dhacay, inkastoo wararka ay sheegayaan in waxgarad labada dhinac ah ay ku howlan yihiin in la joojyo colaada.

Abdiweli Mohamed Shikh, Hiiraan Online
[email protected]