4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2019
Golaha ammaanka oo muddo kordhin u sameeyay howlgalka la dagaalanka burcadbadeeda Soomaaliya

Khamiis,December, 05, 2019 (HOL)-Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa dib u cusboonaysiiyay joogitaanka howlgalka ka dhanka ah burcad badeeda Soomaaliya, iyadoo la gaarsiiyay december sanadka 2020.

Golaha ammaanka  wuxuu go’aansaday inuu cusbooneysiisto muddo 12 bilood ah, taasoo ka dhigan in dowladdaha iyo ururada gobolka ee iskaashiga la leh Soomaaliya ay galaan biyaha Soomaaliya ayna isticmaalaan awood kasta oo ah ka dhan ah falalka burcad-badeednimada iyo boobka hubeysan ee ka dhaca badda.

Golaha ammaanka ayaa sidoo kale meel mariyay codsi Soomaaliya ka yimid bishii hore ee november oo ahaa inaan lagusoo xad gudbin somalia dhulkeeda.

Warbixinta Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan xaaladda qaddiyadda burcad-badeednimada iyo dhaca hubeysan ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya, ayaa sheegaysa laba dhacdo oo budhcad-badeednimo ah tan iyo  Oktoobar 1, 2018.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]