4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2019
Puntland oo sheegtay in isbedel ku yimid duufaantii laga cabsi qabay inay degaanada ku dhufato
  

Khamiis,December, 05, 2019 (HOL)-Agaasimaha hay'adda maaraynta masiibooyinka Puntland, Cabdulaahi Axmed Ceyrow ayaa sheegay in duufaantii la filayay inay ku dhufato Puntland ay u wareegtay jiho kale.

Inkastoo agaasimuhu sheegay in Roobab culus oo wata qabow daran la filayo jimcaha illaa sabtida, ayaa hadana wuxuu tilmaamay inay hoos u dhacday dabeyshii xawaaradaha badan ku socotay.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in ay dabeysha u weecatay dhinaca Raasiga oo ah halka ay ku kala wareegaan badwaynta Hindiya iyo badda Cas, laakiin wuxuu caddeeyay in wax kaste isbedeli karaan.

Ceyrow ayaa dadweynaha Puntland ku nool uga digay daadad ka dhalankara roobab culus oo uu sheegay inay kusoo wajahan yihiin magaalooyinka xeebaha ku teedsan, waxaa kale oo uu tilmaamay in ay suurtagal tahay in meelaha qaar uu ka da'o Roobab baraf wata.

Hiiraan Online oo xidhiidh la sameysay qaar kamid ah degaanada xeebaha ee Puntland, ayaa ogaatay in xaaladu caadi tahay, inkastoo shacabku ku jiraan feejignaan xoogan.

Abdiweli Mohamed Shikh, Hiiraan Online
[email protected]