4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2019
Cabdiraxmaan Cabdishakuur '' Xassan Daahir waxaa ay dowladdu u ogolaatay in uu ku baaqo dilkeyga''

 

Khamiis,December, 05, 2019 (HOL)- Saacadihii ugu danbeeyay waxaa qabsaday Baraha Bulshada Dood ka dhalatay khudbad uu dalka Jamaralka ka jeediyay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la xiriirta ka qeybgalka Siyaasadda ee Dumar

Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo ka hadashay khudbada hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur si cad u beeniyay Aayado Qur'aanka Kariimka ah iyo Axaadiis Saxiix ah oo ka sugnaada Nabbi Maxamed NNKH oo ka hadlaya in haweenku yihiin kuwo Nusqaan ah marka la barbar dhiggo Ragga.

Laakiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay u ogolaatay Xassan Daahir Aweys oo u xiran dowladda in uu soo duubo fariin uu isaga dil ugu hanjabayo.

Xassan Daahir ayaa muuqaal uu soo dhigay Baraha bulshada ayaa ku sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in uu la mid yahay sida uu hadalka u dhigay Salmaan Rushdi islamarkaan uu ku dhacay kufrinimo.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Xisbiga Wadajir :-

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]