4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2019
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo uga digay muddo korarsi madaxda Dowladda Federaalka

 

Khamiis, December, 05, 2019 (HOL)-Madaxweynihii hore ee Dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa shaki badan galiyay doorasho waqtigeeda ku dhici karta, isaga oo ka digaya muddo korarsi aan la ogeyn sababta kalifi karta.

Wuxuu sheegay in muddo korarsi  hay’adaha dowladda  qaarkood in ay ka hor imaanayso Dastuurka dalka, isaga oo intaa ku daray in  uusan garanayn dhibaatooyinka keenaya dib u dhacaas iyada oo doorasho ay  ka dhacday dalka iyada oo dalka ay ka socdeen dagaalo.

Xassan Sheekh ayaa intaa ku daray in  iyada oo baarlamaanka Soomaaliya ay ka doodayaan Sharciga doorashooyinka in hadana dadka aqoonta u leh odoroska siyaasadda in ay sheegayaan doorashadu in aysan waqtigeeda ku dhici  karin.

Gabagabadii  ayuu ugu baaqay madaxda hadda joota in ay ilaaliyaan dhaqanka dimiqraadiga ah ee curdanka ah ee dalkeenna.

Sidoo kale xildhibaannada baarlammaanka federaalka dhowraan dhaartii ay u mareen umadda Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]