Madaxweyne Farmaajo oo xalay la kulmay ergadii ka qeybgashay shirkii dhalinyarada ee lagu qabtay Muqdisho
Khamiis, December, 05, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho sharaf ah ku maamuusay dhallinyaro ka socotay dalladaha iyo ururrada heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee ka qeyb galey Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed 2019-ka.
Madaxweynaha ayaa uga xog warramay dhallinyaradeenna
qorsheyaasha ku qotoma awoodsiinta siyaasadeed iyo dhaqaale ee
dhallinyarada, kuwaas oo Dowladdu ay ku bixineyso horumarinta iyo
xoojinta kaalinta ay ku leeyihiin hoggaaminta dalka.
“Waxaan haatan u soconnaa in aan shacabka Soomaaliyeed ee dhallinyarada u badan aan u soocelinno talada dalka, taladaas oo ka bilaabmata doorashada.
Dhankooda dhallinyarada Soomaaliyeed waa in ay naftooda kula xisaabtamaan dadaalka ay dalkooda geliyaan iyo gacanta ay ka geystaan horumarka iyo dowladnimada.”
Madaxweynaha ayaa xusay in tallaabooyinka ay qaadday
Dowladdu ee adkeynta midnimada iyo madaxbannaanida dalkeenna ay
horseedday dib u soo celinta maqaamka dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku
leeyihiin Gobolka iyo guud ahaan caalamka.
Intii kulanku uu socday, Wasiirka Ciyaaraha iyo
Dhallinyarada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed
Diiriye ayaa la wadaagtay Madaxweynaha nuxurka Shirkii Qaran ee
dhallinyarada, horumarka ay ku tallaabsadeen dhallinyarada Soomaaliyeed
sanaddihii la soo dhaafay, aragtidooda ku aaddan qorsheyaasha Dowladda
iyo caqabadaha heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal ee ay tahay in
xalkeeda wadajir looga shaqeeyo.
Casho sharaftan maamuuska ah waxaa ka soo qeyb galay
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Agaasimaha
Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Maareeyaha Wakaaladda
Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac,
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka
iyo ciyaartooyda Kooxda Soomaaliyeed ee dalka Australia oo dalka u yimid
hawlo samafal iyo in ay tartamo ciyaaro oo sare u qaadaya is dhexgalka
bulshada ay la yeeshaan ciyaartooyda gudaha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]