4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2019
Golaha Shacabka oo u yeeray Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya

 

Khamiis,December, 05, 2019 (HOL)-Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa si deg deg uga yeeray in ay horyimaadaan Golaha Labo Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirada looga yeeray Golaha Shacabka ayaa waxaa ay kala yihiin  Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo Wasiirka Gaadiidka  iyo duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ,si wax looga  weeydiiyo arrimo quseeyo oo ka dhacay dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Wasiirada Amniga iyo Gaadiidka & Duulista Hawada sheegay in looga baahan yahay maalinta Axada inay hor yimaadaan Baarlamaanka,isla markaana Xildhibaanada u diyaar garoobaan.

Wasiirka Amniga ayaa waxaa wax laga weeydiin doonaa xaalada amni ee  dalka qorshaha Wasaaradda Amniga uga degsan Amniga iyo qodobo kale, halka dhinaca kale  Wasiirka Gaadiidka wax laga weeydiin doono xayiraadii Madaxweynayaashii  hore ee Soomaaliya iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]