4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2019
Xisbiga dhaqaaqa Soomaaliyeed oo lagu daahfuray Muqdisho


Arbaco, December, 04, 2019 (HOL)-Xisbi siyaasadeed cusub oo la magac baxay xisbiga dhaqaaqa Soomaaliyeed ayaa maanta lagu daahfuray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Munaasibad xisbigaan lagu furayay ayaa lagu casuumay dadweyne kala duwan oo ka socday qeybaha bulshada, sida aqoonyahanada, siyaasiyiinta,  dhalinyarada iyo haweenka, si loogusoo bandhigo aragtida xisbigaan.

Xoghayaha xisbigaan, Dr, Siciid Yuusuf Maxamed ayaa tilmaamay ujeedada xisbigaan loo aas aasay inay tahay in bulshada Soomaaliyeed lala wadaago in la aas aasay xisbi wata ujeedooyin ka madax banaan siyaasada horey uga jirtay Soomaaliya.

Xoghayaha garabka haweenka ee Xisbigaan, ayaa sheegtay inuu xisbigaan u istaagay hooyada iyo dhallaanka dayacan muhiimaduna ay tahay in la muujiyo doorkooda si ay mustaqbalka dhow uga qeyb qaataan doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha guddiga fulinta xisbiga Fu'aad Maxamed Guhaad ayaa isna sheegay in mabaadiida xisbiga ay kamid tahay inuu horumariyo dadka, dalka iyo diinta, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay kamid noqdaan xisbigooda.

Guddoomiyaha xisbiga dhaqaaqa Soomaaliyeed, Cabdi Xaashi Seed, ayaa caddeeyay xisbigooda inuusan marnaba gacan saar la ahaandoonin cid kasta oo lid ku ah dowlad Soomaaliyeed oo si sharci ah ku dhisan.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]