4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2019
Guddoomiyihii degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo Qarax miino lagu dilay

 

Arbaco, December, 04, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in goor dhaw qarax miino lagu dilay guddoomiyihii degmada Awdheegle oo lagu magacaabi jiray Maxamed Yaroow

Warkan arintan ku saabsan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo shegay in qarax miino ee lagu dilay guddoomiyaha uu ka dhacay isla gudaha degmada Awdheegle.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa tagay oo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo halkaa ka bilaabay baaritaanno la xiriira dilka gudoomiyaha.

ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay dilka guddoomiyaha hasse ahaatee Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerar miino loo adeegsaday oo ka dhacay gobolka waxaa ay ku bartilmaameedsadeen mas'uuliyiin iyo saraakiil ciidan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]