Ciidanka Dab-damiska Somaliland oo sheegay in sanadkan sameeyeen 942 hawlgal oo lagu badbaadiyey dad, Xayawaan iyo hanti dadweyne
Talaado, December 31, 2019 (HOL )– Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta xadhiga ka jaray
dhismeyaal cusub oo loo bineeyey ciidanka dab-damiska Somaliland, kuwaas oo
laga dhisay xarunta guud ee ciidanku ku leeyahay caasimadda Hargeysa.
Munaasibad kooban oo loo qabtay
xadhig-ka jariska dhismeyaasha cusub ee ciidanka, islamarkaana lagu soo
bandhigay waxyaabihii u qabsoomay ciidanka Dab-damiska sannadka sii
gebogeboobay ee 2019-ka iyo qorsheyaasha sannadka soo socda, ayaa waxa
madaxweynaha kala qaybgalay taliyaha ciidanka dab-damiska, sareeye guuto Axmed
Maxamed Xasan (Sawaaxili), xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka
caasimadda Hargeysa, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, hoggaanka ciidamada
Booliska iyo Militeriga, qaar kamid ah dhallinyarada ciidanka Dab-damiska,
salaadiin, haween iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas
laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay ciidanku u leeyihiin guud
ahaanba bulshada reer Somaliland iyo badbaadinta nafta iyo hantida
muwaadiniinta.
Ugu horrayn taliyaha ciidanka
dab-damiska Somaliland Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo warbixin
qoto dheer munaasibadda ka jeediyey, ayaa si hufan u sharraxay kaalinta ay
ciidanka dab-damisku kaga jiraan nolosha bulshada iyo horumarkoodaba, isaga oo
hoosta ka xarriiqay inay ciidan ahaan sannadihii lasoo dhaafay badbaadiyeen
nafo iyo hanti badan oo ay leedahay bulshada reer Somaliland.
Wasiirka wasaaradda Warfaafinta,
dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore,
maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco),
badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Mudane Jaamac Xaaji Maxamed iyo ganacsade
Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey ciidanka
Dab-damiska iyo taliskoodaba, waxana ay bulshada ku boorriyeen inay si dhaw ula
shaqeeyaan ciidanka.
Madaxweyne Biixi ayaa isaguna
dhinaciisa sharraxay kaalinta naf-hurnimada leh ee ay ciidanka Dab-damisku ka
ciyaaraan noloshada bulshada iyo badbaadinta nafta iyo hantida muwaadiniinta,
waxana uu xusay inay xukuumad ahaan ka go’an tahay in mudnaanta koowaad la
siiyo ciidanka la dagaallanka dabka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu
yidhi, “Mudnaanta koowaad baynnu siinaynaa ciidanka dab-damiska, qarankuna
waxba ka hagran maayo oo waa ciidan dagaal ku jira, waxana aan shacabka oo dhan
ka codsanayaa inay la shaqeeyaan ciidanka dab-damiska, iyaga iyo qolada
ambalaaskuba marka ay gurmadka yihiin waa in waddada loo banneeyaa.”
Madaxweynaha, ayaa sidoo kale mid
mid u kormeeray dhismeyaasha iyo xafiisyada kala duwan ee xarunta ciidanka
damb-damisku ku leeyahay caasimadda Hargeysa, isaga oo sidoo kale indhihiisa ku
arkay gaadiida casri ah oo xukuumaddu u iibisay ciidamadanka iyo agab casri ah
oo lagula dagaallamo dabka.
Sidoo kale, waxa madasha lagu soo
bandhigay waxyaabihii u qabsoomay ciidanka dab-damiska Somaliland sannadkii
dhammaaday ee 2019-kii oo ay sameeyeen 942 hawlgal oo lagu badbaadiyey dad,
xayawaan iyo hanti dadweyne oo dhibaatooyin kala duwani gaadheen.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.