4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 31, 2019
Miisaaniyada Dowladda ee sanadkan 2020 oo la meelmariyay

 

Talaado,December, 31, 2019 (HOL)-Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah si wadajir u ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen.

Waxaa ogolaatay miisaaniyadan 188, hal xildhibaan ayaa diiday halka ay Labo xildhibaan oo kalena ka Aamuseen.

Ansixinta miisaaniyaddaan ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa  maalintii ugu danbaysay sanadka 2019, si sanadka  2020 oo berri ka bilaabanaya loogu shaqeeyo miisaaniyadda cusub.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]