4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 31, 2019
Warbixin : Qaar ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa Soomaaliya ee sanadkaan sii dhamaanaya
 

Talaado, December, 31, 2019 (HOL)-Waxaa lagu jiraa maalintii ugu dambeeysay ee sanadka 2019ka, halka dhinaca kale loo diyaar-garoobayo soo dhaweynta sanadka cusub ee 2020.

Hiiraan Online waxay halkaan idinkugusoo gudbindoontaa qaar ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee sanadkaan ee Soomaaliya, haddii ay ahaan lahaayeen isbedeladda dhinaca Siyaasada iyo Amaanka.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qaar ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee Soomaaliya.

2-dii January 2019: Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom inuu si degdeg ah waddanka uga baxo, ka dib markii uu faro gelin ku sameeyay rabshadihii ka dhacay Baydhabo.

8-dii January- 2019: Barlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa madaxweyne u doortay Siciid Cabdulaahi Deni, waana doorasho shantii sanaba mar ka qansoomta Puntland laguna doorto hoggaanka sare ee maamulkaas.

15-Junuary-2019: Waxaa dalka Canada ku geeriyootay Fanaanadii caanka ahayd ee Khadiijo C/llaahi Daleys oo ka mid ahayd fanaaniintii Hoboladii Qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi.

26 January -2019: Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada iyo asxaabta siyaasadeed ayaa ka qeyb galay caleemo saarkii loo sameeyay madaxweynaha Puntland.

15-kii January -2019. Alshabab ayaa weerar culus ku qaaday hotel Dusit2 oo kuyaala magaalada Nairobo, halkaas oo ay sheegeen inay ku dileen 47 qof, inkastoo Kenya ay sheegtay in lagu dilay 21 qof.
Weerarkaas dadka dhintay waxaa ku jiray labo Wiil oo Walaalo ah oo lagu kala magacaabi jiray Feysal Daahir iyo Cabdallah Daahir.

4-February -2019: Alshabaab ayaa magaalada Bosaso ku dilay madixii shirkada DP world ee dekeda Bosaso, saacaddo kadibna waxaa isbitaalka ku geeriyooday ninkii toogtay oo ku dhaawacmay rasaas ciidamadu ku rideen.

23-kii February -2019: Dabley katirsan kooxda Alshabaab ayaa magaalada Muqdisho ku dilay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre , xilli uu ku sugnaa degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Xildhibaan Boqorre ayaa muddo dheer ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna mar soo noqday guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka.

15-May-2019 : Waxaa Garowe ka dhacay shirkii madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, shirkaas oo markii dambe kusoo dhamaaday is afgaranwaa maalmo kadibna lagu kala dareeray.

30-kii May -2019: Qaramada midoobay ayaa James Swan oo ah diblumaasi u dhashay dalka Maraykanka, waxay u magacowday safiirkeeda cusub ee Soomaaliya kadib ceyrintii nicholas Haysom.

28- May -2019: Puntland ayaa joojisay wada shaqayntii kala dhexeysay dowladda federalka Somaaliya kadib markii lagu heshiin waayay. shirkii Garowe isugu yimaadaan madaxda dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ah.

24-june-2019: Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa aqbalay in doorasho laga qabto Galmudug, isagoo dhinaca kalena laalay heshiiskii Galmudug iyo Ahlu sunna ay ku midoobeen ee ka dhacay dalka Jabuuti.

12 july- 2019: Alshabab ayaa weerar culus ku qaaday hotel Madiina ee magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ku dileen 26 oo u badnaa dad shacab ah.

Dadkii weerarkaas lagu dilay waxaa kamid ahayd saxafiyadii caanka ahayd Hodan Naaleeyeh iyo saygeeda Fariid Jaamac, sidoo kale murashax madaxweyne Jubaland iyo masuuliyiin kale oo badan.

18 july-2019: Alle ha u naxariistee Waxaa  Cisbitaal kuyaal magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku geeriyooday abwaankii waynaa ee Maxamuud Cabdilaahi Ciise oo ku magac dheeraa 'Singub'.

24-july-2019: Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho, gaar ahaan goob ay ku shirayeen  duqii hore ee Muqdisho iyo masuuliyiinta degmooyinka Banaadir.

01-August-2019: Guddoomiyihii gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa u geeriyodoay dhaawacii kasoo qaaray qaraxii ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho, 24-kii July.

Yariisow ayaa lagu daweynayey Isbital ku yaala magaalada Doha ee dalka Qatar oo loo qaaday maalin kadib qaraxa.

22-August -2019: Barlamaanka Jubbaland ayaa markii saddexaad madaxeyne u doortay Axmed Madoobe, inkastoo doorashadiisu muran badan ay dhalisay.

22-August-2019: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan aqoonsaneen doorashooyinkii ka dhacday maamul goboleedka Jubbaland.

Waxay ku tilmaamtay doorashadaas is-caleemo saar baalmarsan habraaca doorashooyiinka, dastuurka iyo shuruucda" Soomaaliya.

22-August -2019: Golaha Wasiirada Soomaaliya, ayaa magacaabay afar Taliye oo kala ah, Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka. Fahad Yaasiin, taliyaha ciidanka booliiska, Cabdi Xasan Xijaar, taliyaha ciidanka xoogga, General Odowaa iyo taliyaha ciiddanka asluubta, Jeneraal Mahad Cabdi Raxmaan Aadan.

23-September -2019: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xayiraad kusoo rogtay tegitaanka Magaalada Kismayo ee Jubaland.

30-September-2019: Alshabab ayaa weerar loo adeegsaday qaraxyo ismiidaamin ah iyo weerar toos ah ku qaaday saldhigga ciidanka Maraykanka ee Bali-doogle.

Taliska ciidanka Danab ayaa sheegay weerarkaas inay toban daqiiqo gudaheed kusoo afjareen ayna dileen dhammaan raggii weerarkaas kusoo qaaday xerada.

10- Octobar-2019: Dowladda Soomaaliya ayaa u diiday inay magaalada Kismaayo u safraan madaxweynayaashii hore, Xasan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh Shariif, tilaabadaasna waxay ka caro badan ku abuurtay xisbiyada mucaaradka.

17-Octobar-2019: Maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa mar labaad dib u dhigtay dhageysiga dacwadda la xiriirta muranka badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Warbixin qoraal ah oo ka soo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in labada dhinac loo garnaqi doono siddeedda ilaa 12-ka bisha Juun ee sanadka dambe.

26-Octobar-2019: Webiga Shabelle ayaa fatahaad baaxad weyn ka geystay gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Baladwayne, taasoo sababtay in kumanaan qoys ay guryahooda ka barakacaan.

28-Octobar-2019: Doon ay la socdeen duqa magaalada Baladweyne iyo masuuliyiin kale ku howlanaa gurmadka fatahaada ayaa ku qalibmatay biyaha, waxaana halkaas ku geeriyootay Dahabo Axmed Xasan oo ahayd La taliyaha Arrimaha Haweenka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo dad kale oo doonta la socday.

7-November-2019: Barlamaanka Puntland ayaa xilkii ka tuuray guddoomiyihoodii Cabdixakiin Dhoobo-daareed, saacaddo kadib markii dagaal dhiig ku daatay uu ka dhacay xarunta barlamaanka.

14- November-2019: Barlamaanka Puntland ayaa guddoomiye cusub u doortay Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibraal.

20-November-2019: Almaas Elman oo ahayd diblumaasiyad ah Soomaaliyeed iyo Xoghayahii koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa lagu dilay iridka hore ee xerada Xalane ee Muqdisho.

Ilaa hadda lama oga sababta loo dilay, inastoo taliska AMISOM uu sheegay in xabbad wiifto ah ay ku dhacday.

7-December-2019: Duufaan iyo Roobab iswata ayaa ku dhuftay qaar kamid ah degaanada Puntland, iyadoo geysatay khasaare naf iyo maalba leh, waxayna go'doomisay degaano kuyaala xeebaha.

11-December-2019: Dowladda federalka iyo Ahlusuna ayaa ku  heshiiyay in Ahlusuna hesho 20 kursi oo kamid ah 89 kursi oo uu ka kooban  yahay barlamaanka maamulka Galmudug.

18-December-2019: Aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka  ayaa isku raacay in Soomaaliya laga cafiyo lacagihii deymaha ee uu Mareykanku ku lahaa.

21-December-2019: 7 qof oo isugu jiray Ciidan iyo Shacab ayaa ku dhintay gaari ismiidaamin ah oo lagu weeraray hotel kuyaala koonfurta Gaalkacyo oo ay ku sugnaayeen taliyaha ciidanka dhulka Gen.C/xamiid Maxamed Dirir iyo Gen. C/casiis C/laahi Qooje Taliyaha Ciidanka Qeybta 21-aad.

28-Decembe-2019: ku dhawaad 100 qof ayaa ku dhintay weerar ismiidaamin ah oo gilgilay Barkoontarool oo ay ciidamada ku lahaayeen Isgoyska Ex Kootarool Afgooye.

Wuxuu ahaa weerarkii labaad oo ugu dhimashada badnaa oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

28-December-2019: Barlamaanka Soomaaliya ayaa meel mariyay sharciga cusub ee doorashooyinka Soomaaliya, sharcigaas oo wax weyn ka bedelidoona habkii ay u dhici jireen doorashooyinkii hore.

29-December-2019: Dowladda Turkiga ayaa labo diyaaradood oo siday dhaqaatiir iyo daawooyin usoo dirtay magaalada Muqdisho, iyagoo halkaas ka qaaday 16 qof oo ahaa dhaawacyo garaab ah.

30-Decmeber-2019: Dowladda Qatar ayaa diyaarad usoo dirtay magaalada Muqdisho waxayna halkaasi ka qaaday 22 dhaawac.

30-December-2019: Hay'adda nabad sugida iyo sirdoonka ee NISA, ayaa shaacisay in qarixii ka dhacay Ex-kantarool Afgooye ay qorshihiisa lahayd dowlad shisheeye oo aysan magacaabin.

30-December-2019:
Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada qarixii lagu hoobtay ee exkantarool Afgooye, waxayna markii ugu horeysay ka tacsiyeeyeen khasaaraha shacabka soo gaaray.

Abdiweli M. sheikh, Hiiraan Online
[email protected]