4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2019
Israasayn ka dhacday Dhuuso mareeb xilli uu caawo halkaas gaaray raysal wasaare Kheyre
 

Isniin,December, 30, 2019 (HOL)-Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya iyo ciidamada Ahlusuna ayaa caawa isku rasaareeyay magaalada Dhuuso mareeb ee caasimadda Galmuudug, xilli halkaasi uu caawo gaaray raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Lama oga sababta ka dambeysa arrintaan, waxaana wararka ku helaynaa inuu jirto dhaawacyo soo kala gaaray labada dhinac.

Iska hor imaadka oo muddo kooban socday ayaa ka dhacay meel aan ka fogayn hoyga uu degen yahay hoggaamiyaha guud ee Ahlusuna Macalin Maxamuud.

Macalin Maxamuud, oo maalmahaan safar dibada ah ku maqnaa ayaa maanta ku laabtay Dhuusomareb isaga iyo Axmed Shaakir.

Arrimahaan oo idil ayaa kusoo aadaya iyadoo maalinta berito ah ay ku beegan tahay waqtigii lagu dhawaaqi lahaa liiska xildhibaanada Galmudug oo loo asteeyay 31-da december.

Abdiweli M. sheikh, Hiiraan Online
[email protected]