3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2019
Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya oo maanta shaacisay ahmiyadda sharciga dakhliga iyo dhiirigalinta canshuur bixiyaha


Isniin,December, 30, 2019 (HOL)- Wasaaradda maaliyadda dowladda federalka Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay xaflad lagu shaacinayay ahmiyadda sharciga dakhliga iyo dhiirri-galinta canshuur bixiyayaasha.

Waxaa xafladan kasoo qeyb galay Madax katirsan Wasaaradda Maaliyada, aqoonyahanno, ganacsato, culima'awdiin, Haweenka iyo marti Sharaf kale, waxayna goob joog u ahaayeen bandhiga faa’idooyinka sharciga dakhligu u leeyahay dalka iyo dadka.

Wasaaradda maaliyadda waxay soo bandhigtay kororka uu sameeyay dakhliga gudaha muddooyinkii ugu dambeeyay, iyadoo caddeysay inay sabab u tahay canshuuraha gudaha iyo ganacsatada oo fahmay ahmiyadda canshuur bixinta.
Masuuliyiinta wasaaradda ayaa uga mahadceliyey ganacsatada iyo shacabka sida wanaagsan ee ay u bixyaan canshuuraha.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Cabdulaahi Sheekh Cali (Qolocoow), ayaa ka dhawaajiyay inay wasaaradda maaliyaddu guul u tahay inay dadweynaha Soomaaliyeed usoo bandhigto horumarka laga gaaray ururinta daqliga gudaha.

Wasiir Qolocoow wuxuu sheegay inuu kordhay daqliga gudaha ee dowladda, kaasoo uu sheegay inuu ka caawinayo dowladda in ay ka maaranto ku tiirsanaanshaha mucaawinada dibada laga helo.

Inta ay socotay munaasabadan ayaa waxaa hab sugaaneed loogu soo bandhigay ahmiyada ay bixinta canshuurtu u leedahay marka laga hadlayo wax ka qabashada dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin Amniga, Waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqaalaha.

Munaasabada intii ay socotay waxaa shahaadooyin isku jiray abaalmarin iyo dhiirri-galin lagu gudoonsiiyey qaar ka mida ah ganacsatada Soomaaliyeed, Agaasimiyaasha waaxaha dakhliga, canshuuraha iyo howlwadeenada ka shaqeeya qeybaha kale Maaliyadda dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bishii octobar ee sanadkaan saxiixay Sharciga Maamulka Dakhliga dalka, sharcigaas oo ah mid la jaan qaadi kara habka casriga ee dunida ee lagu maareeyo bixinta iyo qabashada canshuuraha.

Abdiweli M. sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
12/30/2019 2:11 PM EST
Isniin, December, 30, 2019 (HOL) - Ururka Al-shabaab ayaa maalin kaddib goor dhaw sheegtay in ay ka danbeeyeen Qaraxii 28kii bishan Sabtidii ina dhaafay ka dhacay Ex Koontarool Afgooye

12/30/2019 12:45 PM EST
Isniin,December, 30, 2019 (HOL)-Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya iyo ciidamada Ahlusuna ayaa caawa isku rasaareeyay magaalada Dhuuso mareeb ee caasimadda Galmuudug, xilli halkaasi uu caawo gaaray raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

12/30/2019 11:00 AM EST
Isniin, December, 30, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo xubna ka tirsan guddiga gurmadka qaran ee dhawaan loo magacaabay isku dubba ridka howlaga gurmadka, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay diyaarad dowladda Qatar, ay u soo dirtay qaadidda qaar kamid ah dhaawacyadii ku wax yeelloobay weerarkii Ex-Kaantarool Afgooye.

12/30/2019 9:56 AM EST
Isniin,December, 30, 2019 (HOL)-Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay inuu cafiyey xoghayihii arrimaha gudaha ee xisbiga UCID Maxamuud Cali Ramaax ka dib markii salaadiintii Ramaax ka socota ka dalbatay inuu siidaayo.

12/30/2019 8:32 AM EST
Isniin, December, 30, 2019 (HOL)- Dowladda Qatar ayaa diyaarad iyo dhaqaatiir usoo dirtay Dowladda Soomaaliya, si dalkaas loogu qaado dhaawacyada aan dalka waxba looga qaban karin ee ku dhaawacmay Qarixii Muqdisho.

12/30/2019 7:11 AM EST
Isniin, December, 30, 2019 (HOL) Mudaharaad looga soo horjeeday masaajido lagu gubay gobolka Goojam ee dhulka ismaamulka Amxaarada ayaa ka dhacay magaalada Dirirdhaba.

12/30/2019 5:42 AM EST
Isniin,December, 30, 2019 (HOL)-War kooban oo ka soo baxay hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxii 28kii bishan ka dhacay Ex Koontarool Afgooye uu qorshihiisu lahaa Dal shisheeye laakiin qoraalka laguma sheegin magaca dalkaasi

12/30/2019 4:12 AM EST
Isniin, December, 30, 2019 (HOL)-Ciidanka amniga ee dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia, ee magaalada Wardheer ee Doolo, ayaa gacanta ku dhigay gaadhi noociisu yahay NOOHA, oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

12/30/2019 3:46 AM EST
Isniin,December, 30, 2019 (HOL)-Wali qaar ka mid ah Isbitaallada iyo Goobaha Caafimaadka magaalada Muqdisho waxaa ka taagan jahwareer iyo mashquul kaddib markii ay buux dhaafiyeen Ehelada dad wali lagu la'yahay Qaraxii maalin ka hor ka dhacay Ex Koontarool Afgooye

12/30/2019 12:56 AM EST
Isniin,December, 30, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa sheegay in ay geeriyootay qof ka mid ah dadkii dhaawacyada ahaa ee shalay laga qaaday magaalada Muqdisho,

12/30/2019 12:37 AM EST
Isniin, December, 30, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa sheegay in uu dowladdiisu siweyn u cambaareyneyso Qaraxii galaaftay nolasha in ka badan 100 ruux u badnaa dad rayid ah oo ka dhacay maalin ka hor magaalada Muqdisho.

12/30/2019 12:12 AM EST
Isniin, December, 30, 2019 (HOL)- War Qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeymo dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose