4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2019
Dad raadinaya wali Eheladoodii ay ku waayeen Qaraxii Ex Koontarool Afgooye

 

Isniin,December, 30, 2019 (HOL)-Wali qaar ka mid ah Isbitaallada iyo Goobaha Caafimaadka magaalada Muqdisho waxaa ka taagan jahwareer iyo mashquul kaddib markii ay buux dhaafiyeen Ehelada dad wali lagu la'yahay Qaraxii maalin ka hor ka dhacay Ex Koontarool Afgooye.

Guddiga Gurmadka ee ku howlan uruurinta xogta ku saabsan dadkii wax-yeelladu ka soo gaartay Qaraxa ayaa sheegay in ay jiraan wali dad aan nolal iyo geeri midna lagu heyn  waxaana ka mid ah dadka la layahay tiro carruur ah.

Hay’adda danbi baarista Boliiska Soomaaliyeed ee CID iyo maamulka  isbitaalka Madiina ayaa ku howlan sidii ay u reebi lahaayeen xogta  meydadka eheladoodii la’yahay si marka danbe loo Aaso.

Meydadka Isbitaallada yaala qaarkood ayaa laga yaabaa in ay ku jiraan dadka Eheladooda ay raadinayaan laakiin nasiib darro aysan aqoonsan karin maadaama uu jirkooda oo dhan dabku saameeyay ama ay siweyn u gubteen, dadka qaarna waxaa la leeyahay wey adag tahay in la kala garto Lab iyo Dhidig.

Qaraxan ayaa saameyn adag yeeshay waxaa la rumeysan yahay in hadda tiradu kor u sii dhaafeyso 100 ruux dhaawacyaduna intaa ka sii badan yihiin. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]