Golaha Guurtida oo wax ka bedel ku samaysay xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka Somaliland
Talaado, December 03, 2019 (HOL )– Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta ansixiyey xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka oo wax ka bedel iyo kaabis ku sameeyey ka dib markii golaha Wakiiladu usoo gudbiyeen.
Golaha Guurtida ayaa wax ka
bedelkii uu golaha Wakiiladu ku soo sameeyey xeerka ismaamulka gobolada iyo
degmooyinka kuwaas oo kaabis iyo wax ka bedel ku sameeyey.
Golaha Guurtidu waxay xeerkan wax
ka bedel kaga sameeyeen 16 qodob, waxaana ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee wax laga bedelay kuwan hoos ku
qoran:
Golaha Guurtidu waxay wax ka
bedel ku sameeyeen darajooyinka degmooyinkii darajadda C-da ahaan jirey oo ay u
dalacsiiyeen darajooyinka B, kuwaas oo kala ah degmadda Caynaba, Taleex iyo
Balligubadle,si ay ula jaanqaadan gobolada cusub ee degmooyinkoodda ahaa
darajooyinka B .
Waxa kale oo ay wax ka bedel ku
sameeyeen tiradii lagu ridi jirey gudoomiyeyaasha degmooyinka golaha
deegaamadda oo awal ahaan jirey hal dheeri, waxa hadda laga dhigay saddex meelood laba ka qaadi karta xilka
gudoomiyeyaasha degmooyinka ama maayiradda dalka waxaana lala meeqaam dhigay
goleyaasha Baarlamaanka oo kale.
Qodobada kale ee wax laga bedelay
waxa ka mid ah marka uu muddo xileedka goleayasah deegaanku dhamaado may jirin
cid u kordhin karaysay, waxaase lagu soo daray qodob tilmaamaya in golaha
Guurtiddu muddo xileedkooda u kordhin karto sida goleyaasha kale u kordhiso oo
kale
Sidoo kale waxa wax ka bedel ku
sameeyeen in xildhibaanka golaha deegaanku xasaanad leeyahay halka golaha
Wakiiladu xeerka ku soo dareen in xildhibaanada goleyaasha deegaanka aanu
xasaanad lahayn marka laga reebo maayarka iyo ku xigeenka mooyee.
Mudooyinkii u dambeeyey xeerar
badan oo ay soo ansixiyeen golaha Wakiilada waxa dib u celiyey golaha Guurtida,
halka qaarkood wax ku bedel ku sameeyeen.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.