4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2019
Puntland oo sheegtay in shaqadii laga ruqseeyay sarkaal hoggaaminayay ciiddamo Somaliland ku biiray
 

Talaado, December, 03, 2019 (HOL)-Dowlad goboleedka Puntland ayaa shaaciyay in bishii 11-aad shaqadii laga ruqseeyay sarkaal hoggaaminayay ciidamo ku biiray Somaliland oo lagusoo bandhigay degmada Taleex ee gobolka Sool.

Taliyaha guutada 26-aad ee ciidanka Daraawiishta Puntland, S/ Guuto Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle), ayaa sheegay sarkaalka lagu ruqseeyay oo lagu magacaabo gaashaane dhexe, Cali Baalle in uu diiday in uu soo xareeyo ciiddamo uu watay oo gaarayay 23 askari, si tababar u helaan loona diiwaan galiyo.

Taliye Gubadle ayaa xusay Puntland in ay go'aan cad ka qaadatay in ciidamo aan diiwaan gashanayn ay kusii dhex jiraan ciidamadeeda, isagoo intaas ku daray in sarkaalka la ruqseeyay uu doonayay inuu ku shaqeysto waxa loo yaqaano caagadaysi, oo loola jeedo sarkaal mushaar ku qaata ciidamo aan diiwaan gashanayn.

"Ciidan, haddaan la xaqiijin joogistiisa iyo tiradiisa, maalinta uu dagaal dhaco ayaa la tabaa oo ceebtooda banaanka usoo baxdaa, balse haddii la ogyahay tirada kuu joogta, ciidan walba kaalintiisa ayaa muuqanaysa," ayuu yidhi Gubadle.

Dhawaan, Puntland ayaa xero ciidan oo kutaala magaalada Qardho ku xaraysay in ka badan 500 askari oo loo sameynayo tababar iyo diiwaan galin, waxayna arintaan qeyb ka tahay qorshaha dib u habaynta ciidamada ee uu madaxweyne Deni la yimid.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online